Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Dawlada Imaaraadka Oo U Soo Xayd-Xaydatay Dirir Ay Ku Aqoonsato Somaliland Iyo Dwaladi Farmaajo Oo iltaalkeedi Noqday Buste Qoyan

Monday - March 5, 2018


Agaasimaha Guud ee Shirkadda DP World Suldaan Ahmed Bin Suleymaan ayaa ka jawaabay hadalkii ka soo yeeray dowladda Federaalka Soomaaliya ee ahaa in heshiiskii saddex geesoodka Dekeda Berbera uu ahaa mid sharci darro ah.

Suldaan Axmed Bin Suleymaan ayaa sheegay in hadalka dowladda Federaalka aanu khuseyn, isla markaana ay tahay Somaliland dowlad madax banaan

" Nama khuseeyo waxa ay leedahay dowladda federaalka, somaliland waa dowlad madax banaan 28 sano, waa meel xasilooni oo dimoqraadiyad ka jirto, mashruuceena wuxuu helay ogolaanshaha baarlamanka somaliland, ma awoodi karto inay xukuumadda Federaalka wax bedesho ama hadalo ay jeediyaan oo aan u joojineyno ma jirto"ayuu yiri Agaasimaha DP World oo la hadlayay warbaahinta Imaaraadka Carabta.

Waxaa uu sheegay in xilka ka saaran mashruucan uu yahay sidii ay u ilaalin lahaayeen iyaga iyo kuwa ay saamiga leeyihiin ee Somaliland iyo dowladda Itoobiya.

Dowladda Federaalka ayaa si kulul uga soo horjeesatay heshiiska Dekeda Berbera, waxaana ay ku tilmaamtay mid sharci darro ah oo aan haba yaraatee waxba ka jirin, iyadoo u digtay shirkadaha maalgashiga ee aan soo marin hey’adaha dastuuriga in sharciga lala tiigsan doono.

Shirkadda DP World ayaa khamiistii la soo dhaafay heshiis saddex geesood oo ku saabsan saami qeybsiga Dekeda Berbera ku kala saxiixday magaalada Dubai, heshiiska saamiga ayaa dhigaya in Somaliland hesho 30%, halka Itoobiya ay heleyso 19%, Shirkadda DP World oo dhiseysa Dekeda Berbera ay heleyso 51%.
Warkaan ayaa illa iyo hadda aan wax jawaab ah ka bixin dawlada Madaxweyne Farmaajo oo waayaan dambe aad mooddo iney itaalkeediba noqday Buste Qoyan.