Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Waa Waraabe Hilbo Ku Raro .. Sacuudiga Oo Raba Inu Siyaasad Tabilq Ku Soo Kala Dhex Galo Khilaafka Somaliya Iyo Imaaraadka Carabta

Saturday - March 10, 2018


Mid ka mid ah dalalka Carbeed oo xubin firfircoon ku leh Jaamacadda Carabta ayaa dhex dhexaadin doona dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo markii u horeysay muddo rubuc qarni uu mad-madow soo kala dhex galay xiriirka labada dal u dhaxeeya.

Wararka laga helayo magaalada Qaahira ayaa sheegaya in dowladda Sacuudi Carabiya ay dadaal ugu jirto sidii ay u kala dhex geli laheyd Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Diblomaasiyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa xaqiijinaya in dowladda Sacuudiga ay labada dhinac dalab u dirtay, si wada hadal uga dhex furto.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan walaac ka muujisay faragelinta shisheeye ee Imaaraadka Carabta iyo heshiiskii Shirkadda DP World la gashay Somaliland ee ku saabsanaa Dekeda Berbera.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa hor-geeyay fadhigii Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carbta ay ku yeesheen magaalada Qaahira qaraar ku saabsan walaaca ay ka qabaan heshiiska DP World iyo faragelinta lagu haayo Qaranimada Soomaaliua.

“Waxaan codsanay in la ixtiraamo Midnimada iyo Qaranimada Soomaaliyeed in hadda kaddib dal ajnabi ah aanu iska faragelin arrimaha Soomaaliya iyo in heshiisyo lala galo gobolo ka mid Soomaaliya, iyadoo dowladda ogolaan”ayuu yiri Wasiir Cawad oo wareysi siiyay Idaacada BBC.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in qaraarkii Jaamacadda Carabta soo saartay ay ku xaqiijiyeen in Midnimada iyo Qaranimada Soomaaliya ay lama taabtaan yihiin, isl markaana markii ay damceen in la eedeeyo Imaaraadka Carabta uu dal ka mid ah kuwo xiriirka la leh Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta uu codsaday inuu arrinta dhex galo.

Wasiir Cawad ayaa sheegay in sidoo kale ay dowladda Itoobiya arrinta heshiiska Dekeda Berbera kala hadleen, ayna ku wargeliyeen in aanay raalli ka aheyn in meel looga dhaco Qaranimada Soomaaliya, isla markaana ay garawsadeen warkooda, dibna u eegi doonaan.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa sii xoogeysanayay Xiisada siyaasadeed ee ka dhex qaraxday Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ee ka dhashay heshiiska WP-World