Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Barlamaanka Fedaraalka Oo Kulan-kooda Beri Uga Hadli-Doona Heshiiska Dekada Berbera

Sunday - March 11, 2018


Waxaa maalinta berri ah Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya kulankoodii ugu horeeyay ku yeelanaya Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka, kadib furitaanka Kalfadhigii Saddexaad ee Golaha Shacabka, waxaana kulanka berri uu yahay mid xasaasi ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Sabtidii furay kal-fadhiga 3-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ay si wada jir ah uga qeyb galeen xubnaha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa goor sii horeysay waxaa lagu wargeliyay in berri oo Isniin ah uu jiro kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaana laga dalabay in ay ku yimaadaan waqtiga lagu balamay.

Ajandaha kulanka ayaa waxa uu yahay ka doodista arrinta la xiriirta Heshiiska Dekeda Berbera ee saami qeybsiga ah oo ay wada gaareen Dowladaha Imaaraadka Carabta, Itoobiya iyo Maamulka Somaliland, kaasi oo dhaliyay muran badan.

Madaxda Dowladda Federaalka ayaa dhowaan waxa ay sheegeen heshiis walba oo la galayo kuna saabsan Deked, Bad, Khayraad iyo kuwo kale in ay u idman tahay Dowladda Federaalka, ansixintiisana keliya ay sameyn karaan Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana Madaxda ay heshiiska Dekeda Berbera ku tilmaameen mid sharci daro ah.