Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Nimad Dhashay Kuma Dhalin .. Qiiso Hooyo Sabool Ah Oo Aan Haysan Meel Ay Seexato Iyo Wiilkeeda Oo U Ciyaara Kooxda Caanka Ee Arsenal

Thursday - March 15, 2018


Nimaad dhashay kuma dhalin ayay hore Soomaalidu ugu maahmaahday iyada oo loola jeedo in waalidku abaal kasta oo uu ilmihiisa u galo iyo sida uu ugu soo rafaaday kaalin-galintiisa aanu taa baddalkeeda marnaba ka helin ilmihiisa. Waxa ay tani noqotay qiso xanuun badan oo warbaahintu  mudooyinkaaba qaadaa dhigeysay, waana Hooyo saboolnimo ku nool oo xataa aan haysan guri ay gasho haddana wiilkeedu waxa uu ka tirsan kooxda kubadda cagta waddanka Ingiriiska ee Arsenal waana xiddig toddobaadkii kasta kumannaan kun oo dollar qaata.
Wargeyska Daily Mail ee dalka Ingiriiska ka soo baxa ayaa mar si horeysay baahiyey warkan oo ku saabsan hooyada dhashay xiddiga da’da yar ee Arsenal Ainsley Maitland Niles taasi oo duruuf adag oo dhaqaale haysato .. Hooyadan oo lagu magacaabo Jule Niles oo 38-jir ah ayaa shaaca ka qaaday inay ku nooshahay qol yar oo lagu qiyaasay 3 Mitir oo kaliya ila markaana aan laheyn daaqad, albaab hagaagsan iyo xataa gogol toona, waxayna sidoo kale la wadaagtay saxaafadda iney ka dhuumato shaqaalaha ay isla shaqeeyaan.


Wiilkeeda Ainsley Maitland Niles wuxuu dagan yahay guryo bangalooyin ah oo isku xiran oo lagu sheegay qiimo ahaan 700,000 kun oo Pound waa lacag wax yar dhiman 1-milyan oo dollar isagoo la nool walaalkiisa Cordi, waliba xaafadda Finchley ee ku taalla waqooyiga London.

“Waa qol ka sameysan bir oo aan laheyn Albaab iyo gogol toona, ma laha musqul ama agabka wax lagu mayro” ayey hooyada wiilkani u sheegtay watrgeyska The Sun waxaanay intaasi raacisay: “Wiilkeyga Ainsley wuu ii iibin karaa guri weyn oo aan seexdo isagoo ii huraya mushaarkiisa laba usbuuc ama laba bilood oo kali ah. Wiilkeygu wuxuu u ciyaaraa Arsenal, waxaan ahay guri la’aan seexata bakhaar” ayey sidoo kale u sheegtay wargeyska.

Laacibka Maitland-Niles wuxuu toddobaadkii ka qaataa Arsenal 30,000 kun oo Pound, 21-kulan ayuu kooxdiisa u saftay xilli ciyaareedkan. Haweenaydan Jule waxaa aad loo xasuustaa inay isku dhaceen madaxii hore ee wadahadalada Arsenal Dick Law xilli ay dooneysay iney mustaqbalka wiilkeeda kala hadasho sannadkii 2015, sidoo kale waxey isku dhaceen tababaraha Ipswitch Mick McCarthy intii xiddigani uu kooxdaasi amaahda ugu maqnaa. “Waxaa jirta wakhtiyo aan kaligey meel fariisto oo aan iskana ooyo” ayey tiri Jule oo ah hooyada dhashay Niles.