Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

R/W Kheyre Oo Xanbaartay Khasnadi Dawlada Iyo Farmaajo Ku Yiri: Fadlan Jooji Xantoobada Weyn Iyo Xaalufinta

Friday - March 23, 2018


Waxaa la helayaa xogo cusub oo ku saabsan halka uu marayo mooshinka guddoomiye Jawaari, iyadoo dhanka kale, arrinta mooshinka ay keentay khilaaf hor leh.

Warar la laga helaayo Villa Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in hadda ay ka dhex tolan tahay madaxweyne Farmaajo iyo sidoo kale Ra’iisul wasaare Kheyre.

Arrinta la isku qabtay ayaa ah, kadib markii uu madaxweynaha aad uga carooday kharashka badan ee Ra’iisul asaare Xasan Cali Kheyre ku bixinayo mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha golaha shacabka, laakiin Kheyre ayaa u sheegay Farmaajo inuu sameynayo wax walbo oo Jawaari looga saarayo aqalka golaha shacabka ah.

Dhanka kale, xildhibaannada golaha shacabka ayaa hadda ku wareersan lacago badan oo u bixinaayo Kheyre iyo kooxdiisa u adeegeysa

Sida ay hadda wax ku socdaan waxaa hubaal ah in lagu kala bixi doono mooshinkan oo aan wax wadahadal ah laga galeyn.

Guddoomiye Jawaari haddii uu ka badbaado mooshinkaan waxaa la hubaa in Kheyre uu bixi doono, balse haddii Jawaari uu baxo waxaa la hubaa guusha Kheyre.

Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa sheegaya in howsha ka socota Muqdisho ee mooshinnada tahay mid aad u adag, iyadoo laga war sugayo sidey wax noqon doonaan.

Mooshinadan socda ayaa saameyn dhaqaale oo weyn ku reebay magaalada Muqdisho, gaar ahaan shaqaalaha dowladda.

Shaqaalaha iyo ciidamada DFS ma aanay helin wax mushaar ah, Labada bil ee soo socotana ma filayaan iney helaan mushaarkooda, sababtoo ah xukuumadda ayaa is difaacis ku jirta.