Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Guddomiye Ku Xigeenka Kowaad Ee Golaha Shacabka Oo Iclaamiyey Xiliga Dooda Mooshinka Jawaari

Sunday - March 25, 2018


Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha shacabka Cabdiweli Ibraahim Muudeey ayaa qoraal uu soo saaray goor dhow waxa uu ku sheegay in kalfadhiga ugu horeeya baarlamaanka la qaban doono 31ka bishan oo ku beegan sabtida soo socota.

Mudane Muudey oo qoraalkan ku saxiixna inuu yahay ku simaha guddoomiyaha baarlamaanka ayuu ku sheegay ajandaha horyaala xildhibaanada inuu yahay mooshinka Guddoomiye Jawaari waxaana uu ugu baaqay xildhibaanada Muqdisho ku sugan inay yimaadaan xarunta golaha shacabka 9-ka subaxnimo.

Sidoo kale Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka ayaa ugu baaqay xildhibaanada ku maqan dibada inay soo galaan ugu dambeyn maalinta khamiista ee ku beegan 29-ka bisha March.

Hadalka ka soo yeeray Guddoomiye C/wali muudey ayaa ku soo beegmaya saacado kaddib markii aqalka Sare uu soo saaray baaq ku saabsan in waqtiga aqbalaada Mooshinka laha soo bilaabo 18-ka bishan, taasoo micnaheedu mudada 10-ka cisho ee la doonayo in mooshinkaas looga doodo uu ku eg yahay 28-ka bishan.