Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Gudoomiye Jawaari Oo Yiri: 11 Askari Miyaan Ku Qabsan-kara Golaha Shacabka

Wednesday - April 4, 2018



Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka hadlay wixii maanta ka dhacay xarunta Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiye Jawaari ayaa ka hadlay Wararka sheegaya in ciidamo taageersan ay qabsadeen xarunta, islamarkaana ay xildhibaanada ay u diideen in galaan xarunta.

Waxaa uu sheegay in Saakay loo diiday in uu xarunta ku taggo gaadiidkiisa, islamarkaana uu xarunta Golaha Shacabka ku tagay lug.

Jawaari ayaa beeniyay in ciidamo taageersan ay la wareegeen xarunta, waxaana uu sheegay in uu xarunta la galay tiro yar oo ka mid ah ilaaladiisa.

Taliyeyaasha ciidamada ayuu ugu baaqay in aysan ku dhexmilan siyaasadda Wareersan sidda uu sheegay Gudoomiye Jawaari, islamarkaaana ay wax ka qabtaan Howlaha Amniga.

Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku eedeeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka in uu saakay la wareegay Guud ahaan xarunta, islamarkaana ay qabsadeen ciidamo taageersan.