Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Akhbaarti Zamaanka .. Qisada Saxaabigi Shinidu Difaacday Meydkiisa

Thursday - April 12, 2018


Saxaabiga caanka ah ee Caasim ibnu Thaabit oo ahaa nin reer Ansaareed ah ayaa wuxuu ka qaybgalay dagaalladii Badar iyo Uxudba. Dagaalkii Uxud wuxuu ku dilay laba wiil oo walaalo ahaa oo uu dhalay ninka la yiraa Dalxa ibnu Dalxa. 
Labada wiil hooyadeed oo ahayd reer Makkah ayaa nadar ku gashay inay u Aargudo wiilasheeda, waxayna ku nadartay in madaxa Caasim ibnu Thaabit ku cabto khamiriga, cidii u keenta madixiisana ay siinayso boqol halaad oo geela. 
Sanadkii afaraad ee hijriyada waxa usoo wafdiyey nabiga SCW koox kamida qabiillada Cudal iyo Qaara, waxayna kooxdani Nabi Maxamed NNKHA u sheegeen in qabiilkooda dad ka islaameen oo ayna u baahanyihiin dad saxaabada ah oo soo bara diinta Islaamka. Nabigu SCW kooxdaas wuxuu ku daray Toban nin oo uu hogaaminayo Caasim ibnu Thaamit oo sidoo kale ka mid yahay Saxaabigii weynaa ee Khubaab ibnu Cadi.
Saxaabadii iyo kooxdii way is raaceen, markii ay gaareen deegaanka Rajiix ayey kooxdii la socotay saxaabadu ay umaleegtay saxaabada shirqool waxayna u habar-wacdeen qabiiladoodii, kadibna saxaabadii ayaa lasoo hareereeyey, ayagiina buur ayey fuuleen. Nimankii Carbeed ee shirqoolka maleegay ayaa haddana u ballanqaaday inaanay dilayn haday is dhiibaan, kadibna saddex kamid ah ayaa isasoo dhiibay hase ahaatee haddana mar laabaad ayey kaga baxeen ballantii ay u qaadeen, waxayna laba kamida saxaabadaas u gacan galiyeen reer Qureysheed si ay ugu dilaan raggii lagu dilay dagaalkii Badar, ninkii saddexaadna wuu dagaalamay waanay dileen. Raggii kale ee buurta ku haray iyagana waa lala dagaalamay wayna dileen, raggaas waxa kamid ahaa Caasim ibnu Thaabit, isaguna wuu dagaalamay balse falaarihii iyo leebabkii ayaa ka dhamaaday, markii uu arkay in la dilayo ayuu Alle baryey oo uu dhahay: “Ilaahayow sida aan u difaacayey diintaada galinkii hore adiguna jirkayga u difaac galinka danbe”
Caasim waa la dilay, waxayna gaaladii doontay inay madaxa ka gooyaan si ay u helaan abaalmarintii boqolka halaad ee islaantu ugu ballan qaaday, balse waxa Alle usoo diray maydkii Caasim shini ku xoontay jirkii saxaabigaas, markaasay carabtii tiri: Galinka danbe ayaan usoo laabanaynaa. Nimankii Carbeed markay soo laabteen waxay waayeen maydkii Caasim, mise waxa yimid roob waxaana maydkiisii qaaday daad roobkaasi watay, waana la garan waayey meesha uu daadkii geeyey Maydkii Caasim, sidii Caasim u difaacay diintii Allah ayaa Allena u difaacay jirkiisii markii uu dhintay.

Xaqiiqanimo waxa ay ka mid tahay qisooyinka la yaabka leh oo u baahan in aan ku cibro qaadano aadna ugu fiirsanno iyada oo nuxurkeedu yahay ama aan ka fahmayno in haddii qofku ku toosnaado jidka ilaahay uu Rabbi SWT isna ilaalinayo.