Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Farmajo Iyo Kheyre Oo Raba Iney Gudoomiye U Soo Sharxaan Shaqsi Indhoola Ah Oo Ay Usha U Hayaan Iyo Xildhibaanada Mucaaradka Oo .....

Thursday - April 19, 2018


 Mogdisho- Xildhibaanada Mucaaradka ah ayaa wada qorshe ay ku soo bixinayaan shaqsi noqda Guddoomiyaha Golaha Shacabka si ay meesha kaga saaraan rabitaanka madaxtooyada Soomaaliya.

Inta ilaa iyo hadda la ogyahay madaxtooyada Soomaaliya ayaa taageereysa musharax Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo shalay ku dhawaaqay inuu u taagan yahay doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaano ku shiray Muqdisho oo aragti ahaan ka horjeeda madaxtooyada ayaa sheegay iney wadaan qorshe ay ku xagal daacinayaan rabitaanka madaxtooyada Soomaaliya si uusan u soo bixin doorashada shaqsi ay ku shaqeystaan ,waxayna raadinayaan shaqsi kale oo sharciga dhawra

Musharaxiin dhowr ah oo u badan Wasiiro ayaa ilaa iyo hadda u sharxan iney ka qeyb galaan doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka k dib markii dhawaan uu iscasilay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa la sheegayaa iney dhaqaalo badan ku bixineyso sidii uu loo soo saari lahaa Guddoomiye kus haqeeya amarka Ra’iisal wasaaraha iyo madaxweynaha Soomaaliya.