Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Xidigi Feeryahanka Horyaalka Caalamka Ee Muslimka .. Maxamed Cali Kalay Murtidi Iyo Xikmadi Laga Reebay

Sunday - April 22, 2018


Feeryahan Maxamed Cali Kalay, Wuxuu ahaa Geesi aan runta la gaban, Wuxuu lahaa iimaan xoogan. Wuxuu Alle siiyay Xikmad .. Allahayow Xabaasha Uga Yeel Xero Nabadiino .. Allaha u Naxariisto, waxa uu wacdaro ka dhigay xalbadaha feerka adduunka isaga oo dhawr jeer ku guulaystay suunka weyn ee horyaal-nimada feerka miisaanka culus isaga oo da’yar-na adduunka ka yaabiyey .. Feeryahan Maxamed Cali Kalay Waxaa Laga Dhaxlay Murti Iyo Xikmad oo Aan Halkaan Ku Soo Koobnay :

1- Waxaan Necbaa daqiiqad kasta Tababarka, Laakiin waxaan nafteyda ku oran jiray, Ha joojin. Hada dhibaato badan ha ku gaarto ka dibna u Noolow inta cimrigaaga ka dhiman adigoo ah Horyaal Guuleystay
2- Waxaan Ka baryay Alle in uu i xafido igana ilaaliyo cadowgeyga, durbadiiba waxaa bilaabatay in aan waayo saaxiibadii xumaa.
3- Ninka Isagoo 50 sano jir ah u arka Nolosha sidii uu u arkayay kolkii uu 20 jirka ahaa, wuxuu lumiyay 30 sano oo Noloshiisa ah
4-  Ma Aaminsani in aan qaato Go’aan sax ah, waxaan qaataa Go’aan ka dibna waxaan ka dhigaa mid Sax ah
5-  Sigaar Ma cabo balse Taraq ayaan jeebka gashadaa. Goortii Qalbigeyga ujanjeersado Dambi inaan sameeyo, taraqaan daaraa, gacanteydaan ku qabtaa, si aan ugu kululeeyo. Ka dibna nafteydaan ku iraahdaa “ Cali kuleylkan yar xitaa uma adkeysan kartid, sidee ugu dulqaadan kartaa Kuleylka aan loo adkeysan karin ee Naarta”.
6.- Marnaba kuma fakirin in aan guuldareysanayo, laakiin hadda way dhacday, waxa keliya harsan waa in aan sameeyo wixii sax ah. Taasi waa waajibaadkeyga iga saaran dadka i aaminsan. Dhamaanteen waa na soo maraysaa guul-darro nolosha ah
7- Waxa jirkeyga u soo dhibtooday una soo adkeystay way u qalantaa wixii aan gaaray Nolosha. Qofka aan lahayn geesinimo ku filan uu ku wajaho khatar kasta oo ka hor timaadda marnaba ma gaarayo wax guul ah Nolosha
8-Waa iimaan la’aanta waxa ka dhiga dadka inay ka cabsadaan wajahida dhibaatada iyo loolanka Nolosha. Anigu Alle ayaan Aaminsanahay, Nafteydana waan ku kalsoonahay
9- Sidee bay ii weydiin karaan in aan Ku Biiro Ciidan oo tago Lix iyo Toban Kun oo Kiilomitir meel gurigeyga u jirta ka dibna aan bambooyin iyo xabad la dhaco dad midab bunni ah leh oo Vietnan ku nool kolka .. dadka Madow aan ka dhashay ee Louisville ku sugan loola dhaqmo sida Eydii oo kale loona diido xuquuqdoodii Bini’aadanimo?
10-  Mar uu guuleystay oo la weydiiyay ma dabaal degtay ayuu ku jawaabay, “Waan soo dhameeyay dabaal-degaygii. Salaad ayaan u tukaday Rabigay”