Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Masuuliinta Madaxtooyada Iyo Shariif Xasan Oo Weli Isku Khilaafsan Shaqsiga Laga Dhigaayo Gudoomiyaha Baarlamaanka

Tuesday - April 24, 2018


Waxaa lagu wadaa 30-ka bishan in magaalada Muqdisho lagu doorto Gudoomiyaha Golaha Shacabka, waxaana xilkan isku soo sharaxay Xildhibaano badan oo kasoo jeeda beesha Digil iyo Mirifle.

Musharaxiinta Gudoomiyaha Golaha Shacabka waxaa ku jira qaar kamid ah Golaha Wasiirada kuwaa oo xilka Wasiirnimo iska casilay, waxaana damac badan uga jiraa in kursiga Gudoomiyaha uu midkastaahi ku guuleesto.

Sida aan Wararka lagu helaayo heleyno Musharaxiinta qaarkood ayaa ah kuwa taageero ka helaya dhinacyo kala duwan sida Madaxtooyada Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed, halka Musharaxiin kalana ay si iskood ah isugu soo sharaxeen xilkaasi.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qiimeyn ku wada dhoor Musharax ay midkood dooneyso in ay taageerto dhaqaalana ku bixiso sidii uu ugu guuleesan lahaa xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Sida xogta lagu helay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa markii hore damacsaneyd in xilka Gudoomiyaha golaha Shacabka ku taageerto Musharax Maxamed Mursal Cabdiraxmaan Wasiirkii hore ee Wasaarada Gaashaandhiga, laakiin sida ay sheegeen ilo ku sugan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa laga soo xigtay in Madaxda sare wadatashiyo ay yeesheen kadib isku fahmi waayeen in Mursal kursigan lagu taageero, taaso ay ka baqeen in sharif Xasan oo ninkaas wata u xaga go'aamada ciriiri ka gasho, waxayna Madaxda sare hada ka fiirsanayaan musharaxiin kale uu ku jiro Saalim Caliyow Ibrow.

Shariif Xasan Sheekh Aasan Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa si weyn u taageersan lana raba kursiga Gudoomiyaha golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Mursal, waxa uuna Shariif Xasan Madaxtooyada ku cadaadinayaan in Mursal laga dhigo Gudoomiyaha.

Sida aan Wararka lagu helay Shariif Xasan ayaa Madaxtooyada uga digay Musharaxiinta kale ee wataan , waxa uuna ku cadaadinayaa in Gudoomiyaha Golaha Shacabka laga dhigo Musharax uu wato ee Mursal hadii kale dowlada wada shaqeynteeda uu ka fiirsan doono.

Cadaadiska Shariif Xasan ayaa lagu soo waramayaa in uu saameyn ku yeeshay Madaxtooyada, waxaana wali socda wadatashiyo ku aadan iyadoona laga yaabo in Madaxtooyada ku taageeraan Shariif Xasan Musharaxan uu jeebka ku wato.

Dadka Siyaasada Falanqeeya ayaa aaminsan in Gudoomiyaha golaha Shacabka aan loo dooran-doonin Xildhibaan waxtar leh oo hogaamin kara Golaha Shacabka, balse la dooran-doono Shaqsi ay kooxo gaar ah wataan oo dano laga leeyahay.