Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

ICRC Oo War Ka Soo Saartay Afduubka Loo Geystay Mid Ka Mid Ah Shaqaalaheeda

Thursday - May 3, 2018


Haweeney u dhalatay dalka Jarmalka oo aheyd Kalkaaliso caafimaad ayaa fiidnimadii xalay waxaa laga dhex afduubtay xarunta Hay’adda ICRC ee Magaalada Muqdisho, waxaana Haweeneydan ay Muqdisho u joogtay howlo shaqo mudo ku siman laba Isbuuc, iyada oo ay Afduubteen ilaalo ka mid ah xarunta.

Hay’adda ICRC xarunteeda Magaalada Janeva ee dalka Swizerland ayaa soo saartay war-saxaafadeed lagu cambaareeyay falkan, oo ay ku xaqiijiyeen Afduubka Haweeneydan, waxaana ay Hay’addu sheegtay in Gabadhaasi ay Muqdisho u joogtay caawimaada dadka dhiban.

Ku-xigeenka Madaxa Hay’adda ICRC ee Soomaaliya Daniel O’Malley ayaa waxa uu sheegay in ay ka walaacsan yihiin xaaladeeda caafimaad iyo nolosheeda, faah faahin intaas ka badana aysan bixin karin.

“Waxaan xaqiijineynaa in Haweeneydaasi laga afduubtay xarunta, waan ka walaacsanahay xaaladeeda caafimaad iyo nolosheeda, waxaan ka war sugeynaa Hay’adaha ammaanka.” Ayuu yiri Kuxigeenka Madaxa Hay’adda ICRC ee Soomaaliya.

Xarunta ICRC ee Magaalada Muqdisho ayaa xalay waxaa la wareegay laamaha amniga Dowladda Federaalka, waxaa jira shaqaale kale oo Ajaanib ah oo ku jiray xarunta markii uu afduubka dhacayay, lama oga ilaa hadda sababta ka dambeysa inuu dhaco Afduubka Haweeneydan.