Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Jubaland Oo Qaadacday Shirka Arimaha Dastuurka Oo Ka Dhacaya Mogdisho

Friday - May 11, 2018


Maamul goboleedka Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in aysan ka qeyb galeyn shir looga hadlayo dib u eegista Dastuurka KMG oo la filayo in isbuucan uu ka furmo magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka, Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Jubbaland Dr. Aadan Ibraahim Aw Xirsi ayaa cadeeyay in maamulkooda uusan ka qeyb galeyn Shirka looga hadlayo Dastuurka ee lagu qabanyo Muqdisho,

Dr. Aadan Ibraahim ayaan cadeyn sababaha maamulkooda uga baaqsadeyn ka qeyb galka shirkan ay soo qaban qaabisay Wasaarada Dastuurka Xukuumada Soomaaliya ee Muqdisho lagu qabanayo.

Waxaa sidoo kale jira cabsi laga qabo in maamul goboleedyada qaar ee dalka iyana qaadacaan ka qeyb galka shirkan looga hadlayo arimaha Dastuurka, waxaana marar badan fashilmay shirar ay soo qaban qaabisay Wasaarada Dastuurka Xukuumada Somalia.