Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Madaxweyne Gaas Oo Ku Eedeeyey Dawladnimadi Fedaraalka In Ay Ku Soo Aruurtay Facebook Iyo Axmed Madoobe Oo ..

Monday - May 14, 2018


Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo Khudbad ka jeediyay Shirka maamul goboleedyadda ee ka socda Magaalada Baydhabo xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay hareer-marayso qodobo badan oo horay loogu heshiiyay.

Madaxweyne Gaas oo ah xiligaan Gudoomiyaha Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyadda ayaa sheegay in hadda Soomaaliya ay u baahan tahay in la sameeyo isbadel dhan walba ah, laakiin aan lagu Mashquul waxyaabo aysan dani ugu jirin Umadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Gaas ayaa yiri” dowladnimadda waxa ay kusoo aruurtay Facebook Maanta” isago isla markaa si aad ah ugu dhaliilay Madaxda Soomaalida in ay waqti badan ku bixiyaan Baraha Bulshadda,taasina ay sii kordhin doonta Xumaanta sidda uu sheegay Gaas.

Dhinaca Kale Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo Khudbad ka jeediyay isla Shirka ka socda Magaalada Baydhabo ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in aysan ka dhabeyn Balanqaadyadii Shirkii hore ay u yeesheen Golaha Amniga Qaranka.

Waxaa uu sheegay in Shirka Maanta ka furmay Baydhabo uusan aheyn mid dowladda Soomaaliya lagu duminaayo laakiin uu yahay Shir lagu saxaayo Khaladaadka jira.

Madaxweyne Axmed Madoobe waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku mashquulsan tahay Cidii imaan laheyd 2020-ka taasina ay tahay wax laga xumaado, maadaama la doonaayo inta ka sokeysa in si aad ah loo shaqeeyo, wuxuu kale heegay in hadda la dayacay Shaqooyin badan oo laga doonayay in ay qabato dowladda Soomaaliya.
Axmed Madoobe ayaa ugu dambeyntii ku baaqay in dadka Soomaaliyeed si dhab ah wax loogu qabto.