Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

Raiisal Wasaare Kheyre Xariga Goostay Oo Markaana Si Gambasho Lahayen U Maagay Wasiirka Arimaha Dibada Axmed Cawad

Wednesday - May 16, 2018


Warar hoose oo la Helaayo, ayaa sheegaya in Khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka arrimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.

Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya ayaa ka xumaaday in laga reebay wafdigii Madaxweynaha Soomaaliya ee Dalka Qatar, wuxuuna Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya u gudbiyay dacwad ka dhan ah qaar ka mid ah wasiiradda oo shaqada isaga loogu tala galay faraha kuka jira ama kaga horeeya.

Kheyre ayaa u sheegay Wasiirka arrimaha dibada in Dowlada Soomaaliya ay go’aan ka gaareyso cid kasta oo ka mid noqoneysa wafdiga Madaxweynaha, arintaas ayaana sababtay inuu ka caroodo Mudane Axmed Ciise Cawad.

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya ayaa safarka Madaxweynaha ee Doha waxaa looga reebay inuu dadaal ugu jiro soo celinta xiriirka Imaaraadka iyo Soomaaliya, waxaana Dowlada Federaalka ay u muuqataa in aysan dan ka laheyn xiriirka Imaaraadka.