Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Akhbaarti Zamaanka .. Qisadi Nabi Nuux Iyo Amarki Alle Oo U Ku Sameeyey Doon Sadex Dabaq Ah

Friday - May 18, 2018


Nuux Bin Lamak, wuxuu nasab ahaan ka soo jeeda silsilada Nabi idriis .. Nuux waxuu dhashay boqol iyo labaatan iyo lix sano (126) kadib dhimashadi Aadam.

Nuux wax badan ayu u digay qoonkiisa oo ku yiri: Qoonkaygiiyow waxaan ahay rasuul ka socda Rabiga uumanka ee Caabuda Alle, waxaan idin kaga baqaya cadaabta maalinta weyn. Laakiin Duqeydi ka mid ahayd qoonkiisi waase beeniyeen oo waxay ku yiraahdeen: Nuuxow waa ku arg-naayoo waxaad ku jirtaa baadi cad. waxay kalo ku yiraahdeen: Nuuxow waa nala dooday oo aad u badisay doodiini, haatan noo keen waxa aad nagu handadeyso, haddi aad run sheegeyso.

Alle weyne ayaa u wax-yooday Nuux oo ku Yiri: Cidna qoon-kaaga kama rumeyn-doonto aan ka ahayn wixi horay u rumeeyey ee amarkeyga waxyiga ku sameh Doon, laakiin Nuux ma garan si u farsameeyo doontaas lagu amray, hasa ahaate malak Jibril C.S ayaa u yimid oo u Nakhshadeeyey qaabka iyo suurada doonta isago u ekeysiiyey Suurada Digaaga .. Doonta waxaa loo sameeyey sadex Dabaq oo hal dabaq gaar ahaan kan hoose waxaa loo qoondeeyey xoolaha dugaaga iyo wixi la hal maala. dabaqa dhexena waxaa loogu tala galay Cuntada iyo Biyaha iyadoo kan ugu sareeya loo qoondeeyey Nuux iyo dadkiisa .. doonta waxaa la saaray Santuukhi u ku jiray maydkii Nabi Aadam Caleeyhi Salam oo waxaa saaray malaaiig alle u xil saaray.

Markii Nuux u sameynaayey Doonta illa mudo sadex sano socotay, mar kasta ayey duqeydi qoonkiisa soo ag maraan oo shaqaalaha farsama-yaqaanka ka gawraci jireen, waxayna ka dhigteen jees-jees .. isna waa Nuuxe waxuu ku oran-jiray: haddi aad nagu jees-jeestaan inaguna waa idinku jees-jeesi-doonaa.

Sidaas bey arini ahayd ila u yimid amarka Alle oo dhulkii meel kasta ka soo burqadeen biyo sidi fontaanada .. Nuux doontiisi amar Alle ayuu ku qaaday nooc walba oo lab iyo dhedig ah iyo intii ehel ahayd oo rumeysay .. Nuux wiilkiisi ayu ku yiri: war soo fuul doonta, laakiin waa diiday oo waxuu yiri: waxaan nafteyda u qaadaya buur dheer oo iga badbaadin-doonta biyaha .. Nuux wuxuu yiri: maanta ma jiro wax ka badbaadaya amarka Alle mid ma ahee isaguu u naxariisto. 

Sida ay xuseen qoryaasha Taariikhda Doonta intey badweynta maquuraneysay, waxaa rabshad kiciyey libaax oo damcay inu doonta dhexdeeda wax ku haleeyo, hasa ahaate Nuux ayaa ku qayliyey taaso keentay in libaaxi jirkiisa xanuun feebaro saarmo, isla markaa bahalka Haramcad ayaa qayliyey markaas baa maroodi dharbaaxo uga soo gooyey oo halkii ku hindhisay khansiir .. Jiir baa isna is waalay markaas baa libaax dhrbaaxo uga soo jaray markaas baa jiirkii hindhisay Mukulaal ( Curi)

Nabi Nuux iyo qoonkiisi waxay bad ku jiraanba ugu dambeys dhulka ayey u dageen oo degaana kala duwan yeesheen, halkaasoo ay ku tarmeen oo ku bateen laakiin ibliis baa ka dhex shaqeeyey oo intooda badan markii dambe waa is laayeen .. waxaa la tabiyey in Ibliis u yimid illmo Xaam Iyo illmo Yaafith oo ku yiri aabihiin Nuux dhulkii-arlada ugu wanaagsanaa waxuu siiyey Saam iyo waxuu dhalay oo waliba darajo ahaan idin ka sareeysiiyey, adinkuna hadaad tihiin reer Xaam iyo reer Yaafith Aabihiin waa idin ku tacadiyey, dabadeedna inta galay warkii ibliis ayey dagaalo qaadeen is dileen oo dhiig iska daadiyeen.

Sida Taarikh-yahanku Qoreen Nuux waxuu habaaray wiilkiisi Xaam oo ku yiri: wajigaa gubay oo wiilkaaga adoon u noqoy wiilka Saam .. habaarkaas kadib Xaam waxaa u dhashay wiil madow oo la yiraahdo Kncaan Bin Koosh, markaas ayuu damcay inu dilo hooyadi dhashay wiilkaas, waxaase hor istaagay Saam oo xasuusiyey in arintaani ay ka socoto habaarkii aabe kula dhacay isaga, dabadeed Xaam isagoo careysan oo walaalkiis ciil u qaba ayuu isaga cararay dhulkii u la daganaa walaalihiis una cararay xagaas iyo cariga masar.

Sida la sheegay Xaam waxuu ku dhintay cimri kor u dhaafaya 300 oo sano, hasa ahaate dhashiisi ka farcantay wiilkiisi madowbaa way ka daba yimaadeen oo soo gaareen illa cariga bar-barka Suudaan .. Kancaan Bin Xaam waji madawga ahaa waa ninkii ugu horeeyey oo ka leexday tubti toosneyd ee awoogiis Nuux, waxaana la xusaa in farcankiisi ay ka beermeen Faraacinti Masar, waxaa kalo la sheega in kancaaniinta dalka Shaam ( Falastinki hore) oo ka mid ahaa Jaaluut ay iyaguna ka soo jeedaan Odagi Xaam.

Wiilkii Saam bin Nuux oo sida la xusay aabihiis duco ka soo gaartay, waxaa Alle ku sharfay iney ka farcmaan Anbiyada loo soo dhiibay kutubta samaawiga iyo madaxtinimo aduunyo, waxaana la xusay in Saam u ku dhintay cimri gaaraya 465 sano.