Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Dhugo: Raiisal Wasaare Kheyre Oo Koobi-yeyey Qaabka Hogaamiyaha Kuriya Waqooyi Kim Yong-Un Loo ilaaliyo

Sunday - June 17, 2018



Arag Ku Dayashada: Kheyre oo isku sawiray qaabka hoggaamiyaha K/Waqooyi Kim Yong-un
Sawir laga qaaday Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa muujinaya inuu shabahay ama minguuriyay habka loo ilaaliyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un, iyadoo ilaalada Kheyre ay garab ordayaan gaariga uu saarnaa si la mid ah tallaabadii hore ee Kim Yong-un.
 
Sawirkaan oo ku baahay baraha bulshada ayaa siyaabo kala duwan looga dareen celiyay, waxayna dadka intooda badan ku tilmaameen hab dhaqanka “igu sawir” ee madaxda dowladda iyo mid Ra’iisul wasaaraha uu ka soo minguuriyay Kim Yong-Un iyo ilaaaladiisa xili uu la  kulmay Madaxweynaha Koofur Kuuriya Moon Jae iyo kulankii Donald Trump.

Sawirkaan ayaa la qaaday xili Kheyre sii gelayay madaxtooyada, waxaana sawirka ka muuqda dhalinyaro barbar-yaacaya gaariga Kheyre saaran yahay, kuwaasi oo labiskooda isku mid yahay, laakiin qaarkood security ahaan u diyaarsaneyn sida in qaar ka mid ahna Galuusyada-Badhimada jaakadahu u xirnaayeen, mana ahan in la xiro Galuusyada si haddii wax ay dhacaan dhaqso ula soo baxaan Bastooladaha.
Kim Jong Un, Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa laftiisa ceynkaani ku fakiray xili uu la kulmay Madaxweynaha Koofur Kuuriya Moon Jae waxaa kolonyadiisa loo yaqaano Limo dhinac ordayay 12 ka mid ah Ilaaladiisa Khaaska ah ee daba ordayay.
Kulankii Kim Jong Un iyo Donald Trump ay ku yeesheen Singapore ayay ka soo muuqdeen, markii uu Kim Jong Un gaaray Singapore, si la mid ah sidii markii uu la kulmayay Madaxweynaha Koofur Kuuriya ay u dhinac ordayeen gaadhigiisa.