Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Rug-Cadaa Gu'weyn Oo U Xaytay Midnimada Somaliya .. Mustafa Martin Oo Buun Kacdoon U Tumay Mideynta Somaliya .. Ka Bilaabay P/Land

Thursday - June 21, 2018


Shalay Gelinkii dambe ayaa waxaa Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Puntland waxaa lagu soo dhaweeyey Siyaasi sheegtay in uu yahay Madaxweynaha rasmiga ah ee Soomaaliland kaas oo lagu Magacaabo mustafe Martin.

Siyaasi Mustafe Martin oo Warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in dadka badi ay aaminsan yihiin in Soomaaliya lakala goo googiyey, balse isagu uu aaminsan yahay in Soomaaliyeed ay yihiin kuwo mideysan.

“Hadii ay jirtay dad khaas ah oo ka soo horjeeda soomaaliya oo mid ah,waxana u sheegayaa in manta ay dadka soomaaliyed yihiin walaalo aan meelna u kala hareyn,waxana midnimada Soomaaliya ka bilaabeynaa Garoowe-Puntland ayaana hosreed u noqon doonto ayuu yiri Siyaasiga.

Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Farawayne ayaa waxa uu sheegay in Mustafe Martin uu yahay Madaxweynaha rasmiga ah ee Maamulka Soomaaliland, isla markaana Puntland ay aqoonsan tahay in uu yahay Shaqsi samatabixin kara dadka Soomaaliland sida uu hadalka u dhigay.