Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Saraakiishi Tigreyga Oo Kaadi Kulul Ka Socoto .. Sarkaalka Micyo Gaamuray General Gabre Oo Shaqadi Laga Ceyrshay

Monday - June 25, 2018


War saxafadeed kasoo baxay xafiiska xoghaya guud ee urur goboleedka IGAD Maxbuub Macalin ayaa waxaa shaqadii lagaga cayriyay la taliyihii sarre ee dhinaca siyaasada ee xoghaya Guud Generaal Gabre kasoo xilkaan loo magacaabay sanad ka hor.

Warqada ayaa lagu cadeeyay in guud ahaan shaqadii laga cayriyay Generaal Gabre waxaana lagu amray in guud ahaan uu wareejiyo shaqada uu u hayay urur goboleedka IGAD , sidoo kale lama sababayn waxa shaqada looga cayriyay, Gabre waxaa aad loogu xasuusta saamayntii u kulahaa siyaasada soomaaliya sanadadii ugu danbeeyay.
General Gabre Oo ka soo jeeda beesha Tigrega ee ka talin jirtay cariga itoobiya ayaa hadda u muuqata in si gaara maalmahaan loo ugaarsanaayo kadib marki Abiy Axmed u xilka Raiisal Wasaare dalkaas la wareegay, isla markaana bilaabay is badalo xaga amniga iyo siyaasadaba.