Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Ciidamo Reer Sool Ee Ka Mid Ahaa Ciidanka Somaliland Oo Isaga Baxay Aagi Ay Kga Jireen Tukaraq

Wednesday - June 27, 2018



Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in qaar kamid ah Beelaha Dhulbahante ee degan gobolka Sool ay ciidamadoodii kala bexeen fariisimada ciidamada Soomaaliland ee Tukaraq, halka kuwa kalena sida xanta lagu helay ay qorshaynayaan inay dhowaan ciidankooda la baxaan.

Ciidankaa reer Sool ee xarumahaas ka soo goostay, waxaa duleedka deegaanka Tukaraq ku soo dhoweeyey malayshiyaad horay uga tirsanaa ciidamada Soomaaliland oo iyagana horay uga soo goostay dhinaca somaliland .. Beelaha qaar ee Reer Sool ayaa sheegay inay wiilashooda kala bixi doonaan ciidanka uu soo dhoobay Tukaraq Muuse Biixi.