Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Jabhada ONLF Oo Dhaliishay Go'aanka Dawlada Itoobiya Shidaalka Uga Soo Saartay Degaanka Somalida Itoobiya

Friday - June 29, 2018


“Iyadoo aan la xallinin is afgaranwaaga muddada dheer soo taagnaa iyo arrinta siyaasiga ee dhextaalla Soomaalida Ogaadeenya ku nool iyo Itoobiya in hantidoodii loo gacan dhaafo oo lagu quudiyo dad kale oo Itoobiyaan ah waa gacan dhaaf waana diidannahay” ayuu yiri Afhayeenka Jabhadda ONLF Caddaani Hiirmooge.

Dawladda Itoobiya ayaa Markii u horraysay shidaal tijaabo ah ka soo saartay deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Ra’iisulwasaare Abiy Axmed oo arrintaas ka hadlayana wuxuu sheegay in maalin-kaste la soo saari doono 450 Kun fuusto oo shidaal cayriin ah, sannadka u horreeyana la filayo in ay ka faa’iidaan hal bilyan oo doolar.

“Marka ay shaqadu dhamaato ee aan ka dhoofino dekedda Jabuuti waxaan qiyaasaynaa in aan sannadkii ka heli doono siddeed bilyan oo doolar” ayuu yiri Abiy.

Caddaani oo waraysi gaar ah siiyay BBC ayaa la waydiiyay: haddii gobolku uu ka mid yahay Itoobiya kharashka lagu soo saarayna ay bixisay oo shirkad qandaraas ku siisay hantida Itoobiyoo dhan baa leh, marka soo kama haboona in aad dadka u ogolaataan nolol iyo hormarkooda?

“Anagu Itoobi kama mid nihin, dhaqaalaheeda lama lihin, siyaasadda Itoobiya waxba kuma lihin, dad la haystaan nahay qori caaradiis lagu qabsaday walina waan diidanayn oo iska caabin baan wadnay waana sii wadi doonnaa, hantida shacbi Soomaaliyeed baa iska leh Itoobiyana ma laha” ayuu yiri caddaani.

Ra’iisulwasaaraha cusub ee Itoobiya ayaa labadii bilood ee uu xilka hayay sameeyay isbadallo waawayn isaga oo cafiyay maxaabiistii siyaasadda, jacayl iyo wada jirna ugu baaqay dadka Itoobiya.

Wadamada dariska ah ayuu durba u safray oo heshiisyo la galay, wuxuuna si aan la filaynin gogol nabadeed ugu fidiyay Eritrea isaga oo ballanqaaday in uu ku wareejin doono dhulka ay ku muransan yihiin.

Haddaba BBC-da ayaa caddaani waydiisay sida diidmada jabhadda iyo Isbadalladaas Itoobiya ay isu waafajin karaan.

“Dadaal nabadeed mab’da ayuu naga yahay waana soo dhawaynaynaa, arrinta Ogaadeenyana in si nabad ah lagu xalliyo barnaamij siyaasi ah bay naga tahay” ayuu yiri caddaani.