Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Qaadiga Maxkamada Hague Mudane Cabdi-qawi Axmed Yuusuf Somaliga Ah Oo Soo Afjaray Dacwadi Qadar Ay Ku Soo Oogtay Imaaraadka

Saturday - June 30, 2018


Waxaa soo dhammaatay dacwadii ay dowladda Qatar ku soo oogtay dalka Imaaraadka Carabta ee ka socotay Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee Hague, dalka Holland, iyadoo uu guddoominayo Guddoomiyaha Maxkamadda C/qawi Ahmed Yuusuf.

Dowladda Qatar ayaa dagaalkii ugu horeeyay ee sharciga ahaa ku furtay dalka Imaaraadka iyadoo ku soo eedeysay tacadiyo ay kula kacday dadka reer Qatar ee deganaa Imaaraadka, xadgudub xuquuqda aadanaha ah, xayiraad iyo olole sumcad dilis iyo dembiyo kale oo lagu soo eedeeyay Imaaraadka oo hormuud u ahaa dalalkii xayiraadda kusoo rogay Qatar.

Maalintii koowaad ayaa la dhageystay kiiska dacwadda Imaaraadka, waxaana maalintii labaad sidoo kale la dhageystay jawaab celintii Imaaraadka, halka maalintii saddexaad labada dhinac uu mid waliba ka jawaabay doodihii dowladda kale, waxaana shalay soo xiray dhageysiga dacwadda Guddoomiye C/qawi.

Labada dowladood oo kireystay qareeno caalami ah oo u dooda ayaa is dhaafsaday weerar iyo difaac ku saabsan dacwadda ay dowladda Qatar ka gudbisay Imaaraadka oo ahayd tii ugu horeysay ee ka dhalatay xiriirka xumaaday ee dalalka khaliijka.

Maxkmadda caalamiga ah ee Caddaaladda ICJ ayaa lagu wadaa inay maalmo gudahood kusoo saarto go’aankeeda ku saabsan dacwadii ugu horeysay ee dalalka Qatar iyo Imaaraadka.