Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Gabadha Roobot-ka Ee Caanka Ah Ee La Yiraa Sofia Oo La Kulantay Robot-ka Raiisal Wasaaraha Itoobiya

Monday - July 2, 2018


Sofia oo ah robot sidii qof banii’aadan ah loo qaabeeyay ayaa ugu dambayntii kulan la qaadatay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed kaddib markii dhawaan qaybo ka mid ah robotka oo lumay dib loo helay.

Sofia waxay kala hadashay Abiy Axmed arrimaha teknooloojiyadda iyo sidii loo ballaarin lahaa curinta fikaradaha casriga ah ee waxtarka u leh dunida, halka Ra’iisul wasaaraha Itoobiya uu dhankiisa sheegay in uu taageerayo sare u qaadidda barnaamijyada teknooloojiyadda ee qaaradda.

Mashruuca loogu magac daray ICog-Labs ayaa ka qayb ah dadaalladii lagu sameeyay Robotka Sofia. Sofia waxay noqotay Roboktii ugu horreeyay ee la siiyo dhalashada dal kaddib markii Sucuudiga uu dhalasho siiyay sannadkii lasoo dhaafay.