Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Seefti Eng. Yariisow Oo Dulsaaran Xoolaha Xamar Dhex Daaqa

Wednesday - July 4, 2018


Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa soo saaray qoraal Digniin ah oo ku socota dadka xoolaha kusoo dhax daaya magaalada.

Qoraal uu soo saaray Duqa Muqdisho ayuu ku wargaliyay dadka xoolaha kusoo dhax daaya magaalada in ay heestaan labo isbuuc oo digniin ah, waxa uuna Duqa sheegay in la ganaaxi doono cidii amarka maamulka u hogaansami weysa.

Magaalada Muqdisho gaar ahaan goobaha faras magaalaha ayaa lagu arkaa lo’ aad u badan oo lagu soo dhax daayay, waxa ayna xoolahan wax badan u dhimeen bilicda magaalada halka mararka qaarna isku socodka culees galiyaan.