Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Maayar Asalkiisu Somali Yahay Oo Trump Ka Mamnuucay Inu Booqasho Ku Yimaado Magaalada Sheffield Ee Dalka Britain

Thursday - July 5, 2018



Muwaadinka asalkiisu yahay Soomaali ee Duqa magaalladda Sheffield ee dalka Britain, Maajid Maajid ayaa sheegay inuu Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ka mamnuucayo inuu booqasho ku yimaado magaalladdaasi, marka uu Donald Trump bishan 13-da booqashadda ku tago dalka Britain.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu Maayar Maajid ku xusay inuu Madaxweyne Trump yahay nin wasakh ah (Wasteman), waa sida uu hadalka u dhigay oo aan mudnayn inuu soo booqdo magaalladda uu Mayaarka ka yahay.

Maayar Maajid oo 27 jir waxa uu bartiisa Twitterka soo dhigay Sawirkiisa, isagoo wata Fannaand ay ku qoran tahay “Trump is wasteman”.

Maayarka oo watay Koofiyadda ay dadka Meksikaanka caanka ku yihiin waxa uu sheegay in maalinta uu Madaxweyne Trump imaan doono dalka UK bishan 13-da uu u aqoonsaday Maalin taageero loogu muujinayo dalka Mexico.

Wareysi uu siiyey Wargeyska METRO, waxa uu sheegay inuu Donald Trump wasakh ku yahay falkii uu ku xabisay Carruurta ee Xuduudka dalka Mexico, wuxuuna intaasi ku daray inuusan aqoonin wax uu ku tilmaamo Donald Trump

Duqa magaalladda Sheffield ee dalka Britain, Maajid Maajid oo 28-jir waxa u soo jiitay Dareenka Warbaahinta, isagoo ah Maayarkii ugu da’da yar ee xil ka qabta magaalladda Sheffield ee Koonfurta YORKSHIRE.

Maajid Maajid waxa uu dalka Britain tegay isagoo 5 jir sannadkii 1994-kii, wuxuuna noqday Maayarkii ugu horreeyey ee ka tirsan Xisbiga Cagaaran “Green Party” iyo Muwaadinkii ugu horreeyey ee Somali ah oo xilkaasi qabta.