Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Kuriyada Waqooyi : Mareykan Wuxuu Nola Yimi Shuqul Gan- gister

Sunday - July 8, 2018


Dowladda Kuuriyada Woqooyi ayaa ku eedaysay Maraykana in uu ka doonayo dalab dhinac kaliya oo weliba dirqi ah kaas oo la xiriira in ay tirtirto gebi ahaan Hubkeeda Nukliyerka.

Af-hayeen u hadlay xukuumadda Kuuriyada Woqooyi ayaa wakaaladda wararka dowladdu ka soo xigatay in uu yiri aragtida Washington waa wax laga xumaado, una muuqdo dhaqan “gan-gisternimo”.

Hadalkaas ayaa soo baxay saacado uun ka dib markii wasiirka arimaha dibadda Maraykanka, Mike Pompeo, ku tilmamay labadii dharaarood ee uu wada hadallada u joogay Pyongyang kuwo miro dhal ah.

Waxa uu sheegay in arimihii laga wada hadlay oo dhan horumar laga gaaray oo xitaa ay ka mid ahayd tirtiridda hubka nukliyeerka.

Booqashada Pompeo waxay daba socotay shir madaxeedkii Madaxweyne Trump la yeeshay hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi Kim Jong-un.