Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 17 July 2018

Shacabkii Mogdisho Oo Dhinac Kasta Laga Duqeynaayo .. Wadooyinki Mogdisho Oo Meelo Badan Laga Si Xiray

Monday - July 9, 2018


Waxaa maanta xiran qaar ka mid ah wadooyinka Magaalada Muqdisho, kadib markii goordhow ay xireen ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya.

Wadooyinka xiran maanta ee gaadiidka rayidka loo diidayo, ayaa waxaa ka mid ah Isgoysyada Sheekh Cali Suufi oo Baabuurta loo diidayo dhanka Maka Al-Mukarama inay u soo gudbaan, Isgoyska Bakaaraha, Isgoyska Hawlwadaag, Isgoyska Afarta Darjiin illaa Isgoyska Sanca.

Waxaa sidoo kale xiray Wadada Makah Al-mukaramaha oo hadda ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya.

Ciidamada xasilinta ee goobahaasi Koontaroolada ku leh ayaa gaadiidka yar yar iyo mootooyinka Bajaajta u diidaya inay maraan wadada, waxayna u sheegayaan in wadada ay tahay mid xiran.

Lama oga sababta loo xiray wadooyinkan iyo isbedelka amni ee ka jira Magaalada Muqdisho, balse Saraakiil ka tirsan Xasilinta, ayaa sheegay in ciidamada amarkaasi la siiyay xirista wadooyinka.