Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Riisal Wasaaraha Itoobiya Ee Go'aan La Boodka Waalan Leh Oo La Helay Xogtiisa Diinta Iyo Da'da

Friday - July 27, 2018


Weriye ka socda talefishanka BBC qaybtiisa afka Ingiriisiga, gaar ahaan wararka Afrika ayaa dhowaan booqday deegaanka uu asal ahaan ka soo jeedo Raysal-wasaraha dalka Itoobiya, si uu xog dheeraad ah uga soo helo noloshiisii carruur-nimo iyo qoyskiisa.

Wariyuhu waxa uu booqday tuulaha Bashaashaa oo ah deegaanka uu qoys ahaan ka soo jeedo Raysal Wasaare Abiy Axmed. Waxa aanu soo helay xogo qaarkood burinaya kuwa laga ogyahay Raysal Wasaaraha iyo warar dadku inta badan isla dhexmaraan.

In kasta oo waraaqaha rasmiga ah ee u diiwaan-gashan Raysalwasaare Abiy Axmed Cali ay sheegayaan in uu dhashay sannadkii 1976 kii, oo ay da’diisu noqonayso 42 sano, wariyuhu waxa uu soo helay xog taas aad uga duwan oo la xiriirta taariikhda dhalashada ee RaysalWasaaraha. 

Abiy Axmed, sannadkii 1968 kii ayaa uu ku dhashay gobalka dadkiisu Muslimiinta u badan-yihiin ee Oromiya ayaa uu weriyuhu ku yiri, warbixintan oo iyada oo fiidyow qoraallo wehelinayaan ah, 21kii bishan Julay lagu faafiyey barta ay BBC qaybteeda afka Ingiriisigu ku leedahay internetka.

Ugu horreyna waxa uu wariyuhu ka hadlay diinta uu aaminsan yahay Raysal Wasaaruhu oo dadku inta badan hadal geliyaan, “Aabihii waa Muslim, hooyadii waa Kiristaan, Abiy Axmedna waa Kiristaan aaminsan mad-habta Protestant ka” ayaa lagu yiri warbixinta uu sii daayey barnamaijka BBC News Afrika. Laakiin waxaa la sheegay maadaama oo uu deegaanku muslimiin u badanyahay, Aabihiina Muslim yahay, in Abiy Axmed uu Qur’aanka wax ka bartay. Waxa aanu Aabihii sheegay in uu akhriyi jiray Aayado Qur’aanka Kariimka ah ka mid ah.

Magaca Raysal Wasaaruhu waxa uu sax ku yahay Abiyot oo ah erey afka Oromada ku jira oo macnihiisu yahay, ‘Kacaan / kacdoon’. Laakiin waxaa magaciisa sida uu hadda u dhigan yahay u beddelay Aabihii,