Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Waa Wixii Aan Horay U Eednay Oo Ah Qabyaalad .. Itoobiya Oo Baafineysa Wixii Somaliya Ku Bes-beeshay Ee Ay Ilaa Maanta La Nuuxsan-weyday

Tuesday - July 31, 2018


Jabhadda xoreynta Tigrayga Ethiopia Ee TPLF ayaa ku hanjabtay inay dhulka ay degaan dadka Tigrayga uu ka go’ayo dalka Ethiopia intiisa kale, xilli ay jirto xiisad ka dhex oogan ayaga iyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed.

Ninka La Yiraah Debrestion Gebremichael oo ah madaxweyne ku xigeenka gobolka Tigrayga ayaa khudbad uu u jeediyey dad isugu soo baxay garoonka kubadda cagta magaalada Mekelle waxa uu uga digay in la ixtiraamo dastuurka dalka Ethiopia.

“Laba mid ayaa dhici doonta in annaga iyo qowmiyadaha kale aan Ethiopia ugu wada noolaano si xushmad leh, ama inaan burburino Ethiopia, oo koox walba ay dal sameysato” ayuu yiri Debrestion Gebremichael isaga oo xiran koofiyad uu ku sawiran yahay ra’iisul wasaarihii hore ee Ethiopia Meles Zenawi, oo asna Tigray ahaa.

Qaar ka mid ah warbaahinta dalka Ethiopia ayaa cinwaan ka dhigay “TPLF waxay dib usoo saartay siyaasaddii xornimada ee sanadadii 1976-kii”

“Dadka Tigrayga iyo TPLF iyo Eritrea waxa ay si iskula mid ah ula dagaalameen hal cadow, waxaana Tigrayga ay hadda diyaar u yihiin inay la kulmaan walaalahooda Eritrea” ayuu yiri Debrestion Gebremichael.

Tigrayga oo ku dhowaad 25 sano xukumayey Ethiopia, ayaa hadda ay u muuqataa in taladii iyo awooddii ay dalka ku lahaayeen ay agacnta ka baxday, waaxana ay aad u dhibsanayaan siyaasadda ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ee talada dalka oo dhan looga qeyb-gelinayo qowmiyadaha kale.