Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Is Badal-doonki Abby Axmed Oo Awoodiisi Ku Duminaaya Wixii Dhisana .. Itoobiya Oo Siyaasiyiin Ka Soo Jeeda Kilinka 5-Aad Oo..

Thursday - August 9, 2018


Kulamo xiriir ah oo galab-nimadii shalay u bilowaday laba dhinac oo kala matalayay dawladda federaalka ah ee dalka Itoobiya iyo dad u badan siyaasiyiin, madax dhaqameedyo, aqoonayanno iyo waxgaradka Soomaalida Itoobiya ayaa lagu lafo guray waxa laga yeelayo xaallada cakiran ee dawlad deegaanka soomaalida kililka shanaad ee dalkaas, kadib qaskii iyo rabshadihii halkaas ka bilowday sabtidii la soo dhaafay ee sahayday madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar kaasi oo xallintiisu hal xiraale ku noqotay dawladda iyo guud ahaanba dal weynaha Itoobiya.

Kulamadan oo ilaa saacadihii dembe ee xalay saqdii dhexe lagu gaaray ayaa ilo wareedyo u dhuun daloola shirkaasi ay tibaaxeen in dawladda dhexe ay miiska soo saartay qorshe si gaar ah uga hadlaya maamulka dawlad deegaanka Jigjiga kadib is casilaadii madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar, isla markaana madaxweynaha cusub loo doortay maamulka, kaasi oo haatan ku sugan magaallada jigjiga.

Warku waxaa uu xusay Saddex Qoddob oo qorshaha ay dawladda federalka ahi miiska soo dhigtay udub dhexaad u ah, kuwaas oo ay ka qayb galayaasha ka dalbatay lafa-gurkooda, iyada oo la kala doorransiiyey qodob kamid ah saddexdaas qodob in la qaato si xal loogu helo xaaladan cakiran ee hadda la galay. Saddexdaas qoddob ayaa dawladda federaalka ah ee Itoobiya ay sheegtay in ay kala yihiin;

1- In gebi ahaanba maamulka uu ka tegey Cabdi Maxamuud Cumar ee haatan jooga meesha laga saaro.
2- In muddo kumeel gaar ah la siiyo maamulkan iyo madaxweynahan cusub ee xisbiga ismaamulka Soomaalida jigjigi doortay, kaasi oo inta uu talada hayo xooga saari doona soo dhisida dawlad deegaan laga wada muuqdo oo doorasho ku yimaada ama magacaabis ku yimaada.

3- Iyo Qoddobka 3aad oo isna oranaya in aan haba yaraatee waxba laga bedelin lana taaban maamulka iyo madaxweynaha cusub ee la doortay.

Hase yeeshee, ilaa haatan wararkii ugu dembeeyey ee laga helay kulankaasi socday illaa xalay saacadihii dembe lama xaqiijin tallaabada ama qodobka laysla qaatay in la qaato iyada oo goob-joogayaashu tibaaxeen in badi intii shirku socday waqtiga ugu badan lagu qaatay lafa gurka iyo falanqaynta qoddobadan iyo saamayntooda.

Geesta kale mas’uuliyiin ka mid ah madaxda dawlad goboleedyada dalka Soomaaliya oo uu kamid yahay madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland Mr. Axmed Maxamed Islaam ay tan iyo shalay ku sugnaayeen magaalo madaxda dalkaasi itoobiya ee adis ababa iyaga oo la weriyey in ay halkaasi ku tageen la tashi uu raysal-wasaaraha dalkaasi Aby Axmed ka codsaday in uu kala sameeyo xaalada Soomaalida Itoobiya ee xilligan jaho wareerkak u sugan. 
Sidoo kale waxa la sheegay in uu jiro culeyso raysal-wasaare Aby Ahmed kaga imanaya caalamka, kuwaas oo ka dalbanaya in uu xaallada cagta u dhigo oo aanu ku degdegin go’aan lafjab ku noqon kara xasiloonida mandaqada. 
Xiriiro dublumaasiyiin ajaanibi ay la soo sameeyeen hoggaanka dawladda federaalka ah ee Itoobiya ayaa loga tusaaleeyey marxaladda uu gobolka Soomaalidu galay in uu saamayn ku yeelanayo guud ahaan mandaqada geeska afrika gaar ahaana dalwaynaha Itoobiya.