Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

In La Dili-doono Oo Uu Shahiid Yahay Rasuulka SCW Ayaa Horay U Sii Sheegay .. Dilki Amiirka Mu'miniinta Ee Cali Bin Abii Daalib

Sunday - August 12, 2018

Rasuulkeenna suubban SCW isagoo inooga warramaya in Cali la dili doono, baa wuxuu yiri:- Dad waxaa ugu shaqisan, ninkii boqno gooyey Hashii (Nebi Saalix CS) iyo kan ku dili doono Caliyoow!.

Waxana dilay Nin khawaarijta ka mid ah oo la oran jiray Cabduraxmaan bin Camr  oo loo yaqan Cabduraxman bin Muljim Al Kindi Al Xumeyri, oo xalif la ahaa Banuu Xaniifaha dega Masar, waxuuna ahaa nin midib maariin ah oo tima jilacsan oo wejigiisuna ay kamuuqato raadkii sujuudda salaad darteed. 

Waxa jiray  laba kaloo khawaarijta kamid ah oo ay wada tashteen Cabduraxman bin Muljim oo kala ahaa Al Baraak bin Cabdullaahi Al Tamiimi iyo Camr bin Bakar Al Tamimi. Waxay saddexdani go'aansadeen inay dilaan Camr bin Al Caas, Cali bin Abii Daalib, iyo Mucawiyah bin Abii Sufyaan. Markaas buu ibnu Muljim yiri : Aniga waxaan idinkaga filnaan Cali oo aniga ayaa  soo dilayaa, markaas buu Al Baraak Bin Cabdullaahi yiri:-Aniguna Mucaawiya baan soo dili.  Halka Camr bin Bakarna uu yiri:-Anigana waxan ku filnaan doonaa Camr bin Al Caas oo aan soodili. Waxayna isku dhaarsadeen inuusan ninna soo laaban inuu soodila ninkii loodiray ama uu isaga dhinta mooyaan, wayna kala tegen, oo waxayna kuballameen in habeenka 17 ay tahay bisha Ramadan uu mid waliba qaarajiyo ninkiisi mowcid layaqaan. 

Ibnu Muljim wuu baxay waxuuna aaday Kuufa,  wuuna qarsaday arrinkiisi oo cidna umuusan sheegin. Maalin isagoo lafadhiyo khawarijtiisii gole fadhi oo ay lahayeen Banuu Taym Ar-Rabbaab, oo ay ka sheekeysanayeen khawaarijtii uu Cali ku aayay Nahrawaan ayaa waxa u timid haweeney la oran jiray Qidaam bint Shajnah taasoo Cali uu ku dilay aabaheed iyo walalked Nahrawaan.
 
Waxayna ahayd haweeney qurux illaah u dhameyay oo aad iyo aad u qurxan,  dhexdooduna caan bay ka ahayd. Markiina uu arkay haweeneydaasi Ibnu Muljim caqligisi dhan bay la tegtay oo arrintuu u scoday dhan  (inuu Cali soo dilo ) wuu ilaaway. Markaas buu doontay si uu uguursada waxayna ku xirtay shuruud ah inuu soo dilo Cali,  waayo Aabahed iyo Walaalkeed oo Khawaarij buu dilay oo uu ku dilay Nahrawaan. Markaas buu yiri Ibnu Muljim:- Oo ma intaas baa?  walaahi inaanan dhulkaan u imaanin wax kale arrinkaas mooyaan.wuuna baxay kadib isagoo wajahaya sidu ku dili laha Cali .Waxayna ku dartay nin Banuu Rabaaab ah si uu arrinkaas ugu booriyo,  ninkaaso la oran jiray Wardaan Al Rabaabi. Kadib waxuu Ibnu Muljim u tegay ninkaloo la oran jiray Shabiib bin Najad Al ashjaci.

Waxuuna ku yiri:- Shabiboow ma dooneysa in kheyrka dunida dhan lagugu sheego oo lagugu xasuusta? Waxuu yiri:- Oo waa maxay arrinkas? 

Waxuu yiri:- Waa dilka Cali.

Waxuu yiri Shabiib:- Hooyada kuweydaye Ibnu Muljimoow! arrin baad la timid, oo sidee baad ku awooddaa inaad sidaa fasho? 

Waxuu yiri:- Waad i raacee oo salaaada mugdiga ah (Cisho ama subax) baan masjidka ugu dhakaneynaa oo aan seefta ka dul rideynaa, kadib haddii uusan dhiman waan carareyna oo nafaheenan la fakaneyna waxaana abbaareynaa dadkeenii  (Khawaarijta ahaa),  haddii aan dilnana waxaa Alle agtiisa yaal baa inooga kheyr badan dunida dhan.

Waxuu yiri Shabiib:- Hoogaagee hadduusan Cali ahayn qofka aad sidaas ku sameyneso way fududaan laheyd, war waxaan ogahay Islaannimada uu kaaga horeyay iyo qaraabanimadiisa xagga nabiga  SCW. Arrinka aad wado Ibnu Muljimoow! laabteyda boos ugama banaano. 

Waxuu yiri Ibnu Muljim:- Oo miyaadan ogeyn siduu u laayay dadkii Nahrawaan?

Markaas buu yiri Shabiib:- Haaheey oo waan ogahay taasi.

Markaas buu Ibnu Muljimna yiri:- Haddee Aynu dilno hadaba waxaan u dilaneynaa walalaheennii uu dilay. 

Shabiib wuu ka aqbalay intaas dabadeed. waxaana la galay bishii Ramadaan oo waxaa la gaaray habeen Jimca ah oo 17 bisha  Ramadaan ay tahay.  Saa waxuu yiri Ibnu Muljim:- Tani habeenka kan waa habeenkii aanu ku ballannay asxaabteydii. 

Dabadeed way isasoo raaceen saddexdan nin ee kala ah Ibnu Muljim Shabiib iyo Wardaan si ay u dilaan Cali.  Markuu Cali soo galay masjidkii goor salaad subax  ah baa waxaa ku dhuftay seef Shabiib kadib baa waxaa isa raaciyey Ibnu Muljim, oo si daran ula helay, isagoo ku oranaya:- Caliyoow! majiro xukun aan xukunka Allaah ahayn. waxba kuumaysan tarin waxaad dhoodhobeysay iyo saaxiibadaaba. Waxuuna akhrinayay markaas qowlka Alle ee ah: 

''Dadka Waxa kamid kuwa ku gato raali ahaanshaha Allaah darteed naftiisa, Allane waa mid uturid badan addoomadiisa''. Albaqara: 207d.

Kadib bay carareen oo Wardaan waxaa helay nin  Xadrumowti  ah oo dilay, Shabiibna wuu fakaday oo lama helin,  halka Ibnu Muljimna la soo qabtay.Waxuu markaas Cali amray Jacda Bin Hubeyrah bin Abu Wahab si uu salada subax dadka u tujiyo. .Kadib waxaa loo qaaday Cali gurigiisi uu ku lahaa magaallada Kuufa, waana lala waday Ibnu Muljim Allaha duleeyo'e oo waxaa la hor geeyay imaam Cali hortiisa, saa waxuu yiri Cali:- War hooy!  cadawgii Alloow soomaanan ku wanaajinin? 

Markas buu ku jawaabay:- Haa wad iwanaajisay.

Wuxuu yiri:- Maxaa kugu xambaaray arrinkaan? 

Markas buu yiri:- Waxan joogay oo aan soofeynayay (yacni seeftiisa)   40 subax, anigoo Alle ka baryay si aan ugu dilo kan ugu sharta badan. 

Markaas buu Cali yiri:- Ma arko aniga waxaan ka ahayn in lagu dilo oo mana arka waxaan ka ahayn inaad tahay khalqi kan ugu shar badan.

Kadib wuxuu raaciyey intaas Cali haddii aan dhinto dila,  haddii aan noolaadana oo aan fiyoobaada anigaa aqaan sidaan yeelaya. Markaas buu Jundub bin Cabdullaahi yiri:- Amiirkii Muminiintow!  haddaad dhimato waxaan la mubaayaconeynaa Xassan. Waxuu yiri Cali:- Idinma amrayo oo inkana reebi mahayo ee sidaad aragtaan yeela. 

Markuu mowtka kusoo dhawadayna waxuu guda galay inuu ku hadaaqa kalimada towxiidka LAA ILAAHA ILLA-ALLAAH. Waxana layiraahda eraygii ugu dambeyay ee laga maqlayay  Cali waxuu ahaa ayadahan Suuratu Zalzalah:

''Ruuxii waxyaroo kheyr ah falaa wuu arki doonaa, ruuxii waxyar oo shar ah falaana wuu arki doonaa''. 

Si wanaagsan ayuu uga gudbay marxaladdii adkeyd ee fidnada Rabbina wuu usaqiray Illaahay haka raalli noqdee hana u fududeeyo'e. Wuxuu ahaa mid Allaah iyo Rasuulkiisa jecel, sidayba Alle iyo Rasuulkiisuna asaga u jeclaayeen, siduu noo sheegay Rasuulkeennii SCW. 

Halkaa ayay kusoo afjarmatay qisadii iyo Cali bin Abii Daalib Illaahay haka raalli noqdee. 

Wabillaahil Mustacaan.