Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Faysal Cali Waraabe Oo Yiri Dhalil Ayaan U Haya Xukumada Korneyl Biixi Oo Hadaan Sheego Waa La Kala Cararaya

Monday - August 13, 2018


Faysal Cali Waraabe Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ayaa maanta dib ugu soo noqday magaalada Hargeisa, Wuxuuna ka hadlay Arimo kala duwan iyo Safar uu ku tagay dalka Kenya.

Faysal Wuxuu uga hadlay Xaalada deegaanka Soomaalida Itoobiya, Wuxuuna ku baaqay in laga shaqeeyo sidii loo midayn lahaa, Wuxuuna Hambalyeeyey Axmed Shidde oo loo doortay Gudoomiyaha Xisbiga Soomaalida Itoobiya.

Wuxuu ka dayriyey Xaalada ay ku sugan tahay Somaliland, Wuxuuna Fariiin u diray Kornayl Caarre oo Ciidamo kala goostay Somaliland, Islamarkaana Abaabul ka dhan ah Somaliland Mudooyinkii ugu dambeeyay Waday, Wuxuuna sheegay inaan looga Fadhin inuu Puntland Dagaal u soo raaco.

Wuxuu ka hadlay Xiisada u dhaxaysa Puntland iyo Somaliland, Wuxuuna sheegay inaysan Sheegan Karin gobolada Sool iyo Sanaag .. Faysal Ayaa warkiisi raacshay in "Puntland hadii ay soo dhaqaaqdo, Garoowe ayaaanu Qabsan karnaa".