Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Gawaaridi Laga Bililiqeystay Magaalada Jig Jiga Oo Intoodi Badneyd Dadki Lahaa Loo Soo Celiyey

Thursday - August 16, 2018


Ku dhawaad 500 Gaari ayaa la dhacay intii rabshaduhu ka socdeen Deegaanada Soomaali Galbeed DDSI oo Labo isbuuc Xaalad Deggenaan la’aan ah ka jirtay.

Gudi Culimo ah oo la shaqeenayey Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxay isku xilqaameen sidii Gaadiidka loo soo celin lahaa,kuwooda Gudaha DDSI lagu heysto.

Shacabka ayaa rabshadaha intii ay socdeen Gaadiid Badan bililiqeystay iyadoo Xitaa Deegaano Soomaaliland Katirsan iyo Qaar Puntland ah Lala Aaday.

Sheekh Axmed Caabi Mataan oo ka mid ah Culimada Jig jiga ayaa sheegay in dadka Wacyi gelin loo sameeyey oo Masaajida iyo Suuqyada lagala hadlay ay keentay in 100 Gaari kabadan ay soo celiyaan oo maanta dadkii lahaa lagu wareejiyey.

Si tartiib ah ayey Jawi Degganaan ah kusoo laabaneysaa Xaalada DDSI oo Siyaasad Cakiran gashay oo Amnigii uu faraha ka baxay dadna la laayey Hantina lagu boobay Maalmo ka hor.