Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Trump-ka Qiiq Ka Baxaya Iyo Xeer Ilaaliyaha Mareykanka Oo Bilaabay Iney Is Hardiyaan

Friday - August 24, 2018


Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maraykanka Jeff Sessions ayaa jawaabay kulul ka bixiyey weerar uga yimaada madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, isagoo ku adkaystay in Waaxda Caddaaladdu ee uu madaxda ka yahay aysan marna u hoggaansami dooninb caddaadiska siyaasadeed ee lagu hayo.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in Xeer ilaaliyaha Jeff Sessions uu yahay qof daciif ah oo maamulin Waaxda Garsoorka Mareykanka, isla markaana wuxuu ku eedeeyay inuusan waxba ka qaban karin falalka ay ku daba galeyso isaga. Waana markii saddexaad ee Trump uu wax ka sheego shaqsiyadda xeer ilaaliyaha guud.

Rabitaanka Trump ayaa ah Waaxda Cadaaladda Mareykanka ay joojiso baaritaanka lagu hayo in Ruushku uu faragaliyay Doorashadii Maraykanka ee 2016-kii, isagoo rajo ka qaban xeer ilaaliyaha oo ahaa nin taageersan isaga oo uu xilka ugu magacaabay rajo uu ka lahaa inuu la safto.

Jeff Sessions oo bilowgii taageeray ololaha Trump ayaa dhinac uga istaagay baaritaankaas, si uu uga baaqsado inay iska horyimaadaan danihiisa gaarka ah iyo baaritaanka socda, wuxuuna hawshaas u igmaday ku xigeenkiisa Rod Rosenstein.

Go’aankaas uu qaatay Sessions iyo horumarka laga sameeyay baaritaanka uu wado Robert Mueller oo ah dambibaare gaar ah oo hadda la sheegay inuu eegayo in Trump uu carqaladeeyay caddaaladda ayaa horseeday in uu is hayn waayo madaxweyne Trump isaga oo afka iyo Twitterkaba adeegsanaya.

Madaxweynaha ayaa ku adkaysanaya in aysan wax wada shaqayn ah dhexmarin ol’olihiisii doorashada iyo dawladda Ruushka, wuxuuna diiday in uu isku dayay in uu carqaladeeyo caddaaladda.

Xiriirka sii xumaaday ee Trump iyo Jeff Session ayaa laga yaabaa inuu keeno xil ka qaadis uu Trump ku sameeyo, taasoo looga digay inuu ku dhaqaaqo Trump, waxayna keeni kartaa inauy isku dhacaan xubnaha xisbiga Jamhuuriga oo caddeeyay inay garab taagan yihiin xeer ilaaliyaha guud.