Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Hadba Bal Kan Qaad Kana Geeh Oo Markiisa Ha Fut-Futeeyo Hantida Qaranka .. Duqa Mogdisho Oo Xilka Laga Qaadaayo

Monday - August 27, 2018


Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in ay socdaan qorshe la doonayo in xilka looga qaado Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cusmaan Yariisow.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo markii hore diidanaa in xilka laga qaado Eng Yariisow ayaa hada lagu soo waramayaa in uu aqbalay in xilka laga qaado kadib dacwado kala duwan oo laga gudbiyay Yariisow.

Waxgaradka Beesha Mudulood iyo Siyaasiyiin caan ah oo siyaabo kala duwan ula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa u gudbiyay dacwad ka dhan ah Duqa Muqdisho waxa ayna u cadeeyeen in iyagu uusan kursigaasi ku matalin.

Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kula taliyay Duqa Muqdisho in uu la kulmo uuna qanciyo waxgaradka iyo Siyaasiyiinta beeshiisa, hasa ahaatee Yariisow ayaa taasi ku fashilmay kadib markii Waxgaradka Mudulood diideen in ay la kulmaan.

Duqa Muqdisho ayaa dadaalo badan uu sameeyay uuna ku doonayay in uu ku qanciyo waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Mudulood ee kasoo horjeeda ku fashilmay, wararka ayaa sheegay ain xitaa laga diiday lacago uu doonayay in uu wax ku xaliyo.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si cad ugu sheegtay Yariisow hadii uusan ka xigsan karin beeshiisa in xilka laga qaadayo , waxa uuna Yariisow dalbaday in la siiyo fursad kale uu wax kusoo xaliyo.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in uu socdo qorshe kale oo la doonayo in Xilka looga qaado Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Ducaale oo isna xilka Wasaaradaasi ku fashilmay lana doonayo in hada laga dhigo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa u aragta in muhiim tahay in isbadal lag sameeyo Wasaarada Amniga oo ku fashilantay xaqiijinta amaanka sidoo kale Wasiir Isloow laga dhigo Duqa Muqdisho maadaama uu yahay siyaasi saameyn ku dhax leh beeshiisa.

Madaxweyne Farmaajo iyo Kheyre ayaa u arka in Maxamed Abuukar Islow hadii laga dhigo Duqa Muqdisho uu ka xigsan karo beeshiisa kana hortagi karo in beesha Mudulood ay dowlada Mucaarad ku noqoto.

Wasiirka Amniga Xukuumada Soomaaliya ayaan wali aqbalin dalabka ku aadan in loo wareejiyo gobolka Banaadir, waxa uuna ka cabsi qabaa maadaama uu Xildhibaan yahay in kursiga Xildhibaanimo uu waayo Xilka gobolkana uusan kusii nagaan.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sidoo kale ka fekereysa xubno kale ay suurto gal tahay in laga dhigo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir hadii ay socon weyso in Wasiirka Amniga xilkaasi loo magacaabo.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Eng Yariisow ayaa bilooyinkii uu xilka hayay la imaan waxqabad muuqda, waxa ayna dadka Siyaasada gobolka la socda tilmaameen in gobolka dib u dhac badan ku yimid tan iyo markii xilka laga qaaday Taabit Cabdi Maxamed.

Yariisow oon wax taageero ah ku dhax laheyn dadka uu matalo ayaa si lama filaan ah loogu magacaabay xilka Gudoomiyaha gobolka Banaadir kadib markii xilkaasi si deg deg ah looga qaaday Duqii hore ee Taabit oo dagaal siyaasadeed la galay Madaxdii ka sareysay.