Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Doc Kasta Waxyeela Ka Jira .. Dagaal Lagu Khasaaray Intusan Bilaaban .. Oromadi Itoobiya Oo Cagta Cagta U Saareysa Somaalida

Tuesday - August 28, 2018


Magaalada Jigjiga ee xarunta maamulka Soomaalida Itoobiya waxaa maanta ka dhacay banaan baxyo waa weyn oo looga soo horjeeday dad Soomaali ah ay laayeen Ciidamada maamulka Oromada.

Waxaa Isbitaalka Jigjiga la keenay Meydadka dad gaaraya 15-qof oo isugu jiray Dhalinyaro, Waayeel ,Haween iyo caruur lagu soo laayay deegaanka Tuli-Guuleed, waxaana dadkan laayay Ciidamo Oromo ah.

Banaan baxayaal aad u badnaa ayaa isugu soo baxay qeybo kamid ah magaalada Jigjiga uu ku jiro Isbitaalka Meydadka la geeyay , waxaana aad uga careesnaayeen dadka Soomaaliyeed ee loo laayay isirkooda Soomaalinimo.

Soomaalida banaan baxa dhigayay ayaa ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah Oromada Soomaalida ugaarsiga ku heyso, waxa ayna dalbadeen in cadaalada la horkeeno dadkii weerarkan dadka lagu laayay ka dambeeyay.

Ciidamada booliiska iyo Milatariga Federaalka ee ku sugan magaalada Jigjiga ayaa adkeeyay amaanka magaalada Jigjiga si aysan banaan baxyada socda isugu rogay rabshado dhiig ku daato.