Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Madaxda Maamul Gobolada Oo Ku Tilmaamay Dawlada Dhexe Mid Aan Maamulkeeda Ka Soo Rey Lahayn

Tuesday - September 4, 2018


Shirarki isdab jagoo maalmahaan u soconaayey madaxda maamulada gobolada ayaa si wada jira u dhaliilay dawlada dhex oo ay ku tilmaameen mid hawshi loo igmaday ka seexatay

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo Khudbad ka jeedinaayay Shirka Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda ayaa eedeyn u jeediyey dowladda federaalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Galmudug heshiis ka dhacay, gaar ahaan kii ugu dambeeyay Dhuusamareeb ka dhacay, laakiin Dowladda Federaalka wax walba kula heshiinay iyo mashaariicdii aan saxiixnay inaysan waxba ka fulin, balse ay ka badin waayeen sida uu yiri: “Xaaf ha Baxo”.

Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay ku mashquulsan tahay sidii Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ay u ridi lahaayeen, arrrintooduna noqotay midkee nugul oo aan hor marinaa?!.

Wuxuu kaloo ka hadlay in ku dhow 70 Oday oo uu sheegay inay Al-shabaab ka Afduubteen Saaka degaano ka tirsan gobolka Galgaduud, islamarkaana ay la aadeen degmada Ceelbuur oo ay ku sugan yihiin Shabaab.

Wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay ku mashquusho burburinta maamul goboleedyadda, iyadoo Shabaab ay dadka dhibaato ku hayaan.

Madaxweyne Xaaf, wuxuu rajo xumo ka muujiyay dhameynta dastuurka Qabyada ah iyo xaaladaha amaanka ee ka jira dala Soomaaliya, wuxuuna ku eedeeyay madaxda dowladda Soomaaliya inay ku mashquulsan yihiin xil ka qaadis iyo dagaal ka dhan ah maamul goboleedyada.

Guddiga Adeega Garsoorka ayuu soo hadal qaaday, isagoo ku taliyay in madaxda maamul goboleedyada ay la yimaadaan afar xubnood oo ay si wanaagsan u eegeen tayadooda, afarta kalana ay keento dowladda Soomaaliya.

Inta badan Madaxda Dowlad Goboleedyada ee Maanta Khudbada ka jeediyey Shirka ayaa waxa ay aad u dhaliileen Siyaasada ay haatan ku Sahqeeyaan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.