Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Dawlad Goboleedyada Oo Hakad Galiyey Wadashaqeynti Kala Dhaxeysay Dawlada Fedaraalka

Saturday - September 8, 2018


Shirkii Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo afartii cisho ee la soo dhaafay ka socday magaalada Kismaayo ayaa goor dhow la soo gabagabeeyay.

War murtiyeed Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ka soo saareen ayay ug hadleen dhinacyada amniga, siyaasadda, arrimaha dastuurka iyo doorashooyinka.

Maamul goboleedyada ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay faragelin ku heyso, isla markaana Dhaqaalaha amniga loogu tala galay u adeegsaneysou burburinta maamulada.

Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa sheegay inay hakad geliyeen wada shaqeynta kala dhaheysay dowladda Federaalka inta ay ka gelineyso heshiisyadii ay horay u wada gaareen.