Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Qiso Ka Sugnaatay Rasuulka SCW .. Rasuulka SCW Oo Ku Soo Degay Nin Reer Miyi Ah Iyo ...

Tuesday - September 11, 2018


Sida La Wariyey Rasuulka (SCW) ayaa ku soo degay nin reer Miyi ah, markaas ayuu karaameeyay.

Markaas ayuu Nabigu (SCW) ku yiri: Ninka reer miyigyoow i weydiiso dantaada.

Markaas ayuu yiri laba jeer: Rasuulka Alloow: Hal reeryaysan iyo Riyo reeruhu ii maalaan. Markaas ayaa Rasuulku SCW ku yiri:  War ma kari weyday in aad noqotid habartii reer Banii Israa’iil oo kale?

Deeto asxaabtii ayaa waxay dheheen: Rasuulka Alloow (SCW) maxay ahayd Habarta reer Banii Israa’iil..?

Markasuu yiri: (Muuse ayaa doonay in uu reer Banii Israa’iil la boxo, markaasuu jidkii ka dhumay, markaasay culimadii reer Banii Israa’iil ku dheheen: Annagaa kuu sheegayna ee Yuusuf ayaa ballan ilaahay nagaga qaaday in aanaan Masar ka bixin ilaa aan lafihiisa qaadno.

Markaas ayuu yiri: qofkiinee yaqaan qabriga Yuusuf?. Waxay dheheen: Qabriga Yuusuf cid aan habarta reer Banii Israa’iil ahayni ma yaqaan, markaas ayuu u cid diray, wuxuuna ku yiri: I Tus Qabriga Yuusuf.

Markaasay ku tiri: Wallaahi in aanan yeelayn ilaa aan jannada kula galo. Nabigu (SCW) wuxuu yiri: (wuu dhibsaday Rasuulkii hadalkeedii, markaas ayaa lagu yiri: Sii Dalabkeeda, markaasuu siiyay, markaasay timid Badyaro (meel biyuhu ku uruuraan) markaasay tiri: dhura biyahaan, markay dhureen ayay ku tiri: qoda halkaan, markay qodeena waxaa ku jira lafihii Yuusuf. Markii ay dhulka ka qaadeenna waddadii waxay u noqotay sida iftiinka maalinta oo kale.