Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Makhaayad " Jiir Awgiis" Khasaartay 190 Malyan Doolar

Thursday - September 13, 2018


Jiirka ayaa laga soo dhex saaray maraq kululJiirka ayaa laga soo dhex saaray Maraq kulul
Maqaaxi caan ah oo ku taalla dalka Shiinaha ayaa weysay qiime dhan $190 Malyan oo ah saamigii ay suuqa ka joogtay, ka dib markii haweeney xaamilo ah oo ka cunteyneysay ay maraqii loo keenay ku dhex aragtay Jiir bakhti ah.

Qiimihii ay suuga ka joogtay Meheraddaan maqaaxida ah oo lagu magacaabo "Xiabu Xiabu" ayaa gaartay heerkii ugu hooseeyay muddo ku dhawaad hal sano ah gudaheed.

Hoos u dhaca ayaa yimid ka dib markii si weyn baraha xiriirka bulshada loogu shaaciyay sawirro laga soo qaaday jiirka ay haweeneyda ka soo dhex saartay Maraqa.

Maqaaxidaan oo ku taalla gobolka Shandong ayaa hadda si ku meel gaar ah loo xiray.

Masuuliyiinta meheraddan ayaa lagu soo warramay iney haweeneydaas u ballan qaadeen lacag dhan 5,000 Yuan oo u dhiganta $729 oo ah mag dhow.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa laga soo xigtay in haweeneydaas ninkeeda uu ku gacan seyray mag dhowga, isagoo sheegay inuu doonayo in marka hore baaritaan caafimaad lagu sameeyo xaaskiisa.

Gabadha xaamilada ah ayaa xilli ay la socotay xubno ka mid ah qoyskeeda maqaaxidan ka cunteyneysay 6-dii bishaan Siteembar.

Sawirrada lagu faafiyay baraha internetka ee dalka Shiinaha ayaa dadkii arkay ay ka muujiyeen Caro aad u weyn.

“Matag ayaa i qabtay. Waligey mar dambe cunto uma doonanayo maqaaxi bannaanka ku taalla,” ayuu yiri mid ka mid ah dadkii internetka ka arkay.

11-kii bishaan Septeembar ayuu qiimihii maqaaxidaan ee suuqa ku yimid hoos u dhacii ugu xumaa tan iyo bishii Oktoobar ee sannadkii la soo dhaafay.