Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Madaxweyne Afrikan Ah Oo Dharka La Baxay Markii Uu U Adkeysan Kari-Waayey Ciyaar Dalkiisa Lagu Karbaashay

Friday - September 14, 2018


Monrovia- Madaxweynaha waddanka Liberia, George Weah ayaa u saftay dalkiisa ciyaar saaxiibtinimo oo ay iskaga hor yimaaddeen waddanka Nigeria Fiidnimadii Salaasada, taas oo ay daawashadeeda kasoo qayb-galeen dad badan kulankasi oo ka dhacayay dalka Liberia oo ay Nigeria marti ku ahayd.

Madaxweyne George Weah oo ay da’diisu tahay 51 jir, horena u ahaa ciyaartoy weyn oo ah laacibka kaliya ee kasoo jeeda qaaradda Afrika ee ku guuleystay abaal-marinta xiddiga Adduunka ayaa is hayn kari waayey, si degdeg ahna garoonka usoo galay daqiiqaddii 79aad, markaas oo xulkiisa la marinayey 2-1.

Ciyaartan oo ka dhacday magaalada Monrovia ee caasimadda Liberia ayaa waxa uu George Weah xirnaa funaanaddii uu caanka ku ahaa ee 14 ee dalkiisa uu u xiran jiray, hase yeeshee waxa uu kulankan awoodi kari waayey inuu guul-darro ka baajiyo waddankiisa.

Nigeria oo ay u ciyaarayeen xiddigo wakhtigan dunidu u shidan tahay, sida Wilfred Ndidi oo u ciyaara Leicester City, Peter Etebo oo Stoke City ah, Kelechi Iheanacho oo Leicester ka tirsan, Simeone Nwankwo, Henry Onyekuru oo Everton ah iyo laacibiin kale ayaa waxay ciyaarta la hormareen laba gool oo ka xanaajiyey madaxweyne Weah, kuwaas oo kallifay inuu dharka la baxo, kaddibna garoonka soo galo.
Liberia ayaa gool la timid markii uu madaxweyne Weah soo galay, waxaana goolka oo rikoore ahaa dhaliyey Kpah Sherman.

Inkasta oo madaxweyne Weah uu ahaa ciyaartoy weyn, waxa uu haddana awoodi kari waayey inuu kulankan isbeddel ciyaareed ku sameeyo amaba ugu yaraan uu guul-darrada ka badbaadiyo. Sababtu layaab ma aha, waayo, waxa uu hadda yahay oday duq ah, halka ay garoonka joogeen oo ay ciyaarayeen laacibiin 25 jirro ah.