Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Kulan Ku Dhex Maray Magalada Baran Madaxweyne Cabdiweli Gaas Iyo Suldaanki Warsangali Suldaan Saciid Suldaan

Thursday - September 20, 2018


Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas iyo Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaa ayaa Qasrigiisa ku yaalla degmada Baran ku booqday Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Cali Shire, halkaasi oo uu Madaxweynaha ugu soo dhoweeyey si hab maamuuskeedu sareeyo.

Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Cali Shire ayaa ku soo dhoweeyey Madaxweynaha iyo weftigiisa degmada Baran iyo guud ahaaba gobolka, waxaana uu xusay suldaanku in maanta ay tahay maalin tariikhi ah gashay baal dahab ah.

" Maanta waxay inoo tahay maalin tariikhi ah oo aannu kusoo dhoweynayno Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigiisa, waxay soo booqdeen dalkiisa iyo dadkiisa isaga oo balan qaaday mashaariic badan berigu musharaxa ahaa, waxaan marag ka nahay inay fuleen uuna maanta u yimid mira dhalkooda, soomaaliya ninkii ugu horeeyey oo wax la taaban karo qabta waa Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas” Ayuu yiri Suldaanku.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si guud ugu mahadnaqay shacabka reer Sanaag soo dhoweynta iyo qaabilaadda wanaagsan ee ay u sameeyeen isaga iyo weftiga uu hogaaminayey, sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Puntlnad ayaa shacabka degmada Baran uga mahadceliyey soodhoweyntooda qiyaas la’aanta ah ee wanaaggu ku dheehan yahay. 

Dhinaca Kale Maamulka Somaliland Ayaa Sida Fiinta Uga qayliyey Boqashada Cabdiweli Gaas U Ku Yimid Cariiga Warsangaliga oo Ay ku tilmaameen mid xadgudub ku ah xududa Somaliland, waxayna intaa ay warkood ku raacsheen iney qaadi-doonaan talaabo ku haboon arinkaas dhacay.