Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Soorta La ii Soo Wado Ee Aan Cuni-doono San-saankeeda Ayaan Ka Garta Sidey U Egtahay .. Mukhtaar Roobow Waa Madaxweynaha Maamulka K/ Galbeed

Sunday - October 7, 2018


Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay weli ka socda wadahadallo u dhaxeeya xubno ka socda Dowladda Somaliya iyo Mukhtaar Rooboow Cali (Abuu Mansuur) oo ah musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Maamulka koonfur Galbeed.

Wadahadaladaas ayaa waxaa dowladda Soomaaliya ka socda taliyaha Ciidanka Nabdsugida Soomaaliya Xuseen Cismaan Xuseen iyo Fowziya Maxamed Sheekh oo ah Gudoomiyaha Guddiga amniga ee Golaha Shacabka.

Wadahadal lagu waday in uu xalay qabsoomo ayaan dhicin kaddib markii ay shalay magaalada Baydhaba gashay in Taliyaha Nabad Sugidda uu wato Ciidan ay xirayaan Mukhtaar Rooboow taas oo shaki kala dhex gelisay labada dhinac.

Wafddiga ay dirtay Dowladda ayaa 5tii Galabnimo ee shalay gaaray Baydhaba,waxaana ku adkaatay in ay magaalada galaan kaddib markii dadweynaha Magaalada oo maqlay war sheegaya in Mukhtaar Roobow la xirayo ay kacdoon sameeyeen.

Waxaana kaddib ay wafddiga xaqiijiyeen in aysan wadan ciidan sidoo kalena u socon in ay xirayaan Mukhtaar Roobow,waxaana markii dambe loo oggolaaday in ay magaalada galaan.

Ilo ku dhow labada Dhinaca ayaa  xaqiijiyay in Hotelka uu Wafddiga degay ay gacanta ku hayaan ilaalada Mukhtaar Roobow,waxaana uu Mukhtaar u sheegay taageerayaashiisa in uusan dhib jirin sidaas darteedna ay nabad ku seexdaan.

Kulan ay xalay goor dambe yeesheen ayaa Mukhtaar loogu sheegay in aysan jirin waxa suuqa la geliyay ee ah in la xirayo,waxaana ay labada dhinaca isku afgarteen in maanta ay kulan rasmi ah yeeshaan kana wadahadlaan xaaladda taagan.

Maanta gelinka dambe ayaa la sheegayaa in la soo gaba gabeeyanayo Wadahadalka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Mukhtaar Roobow uga socda Magaalada Baydbaba.

Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa maalma ka hor sheegtay in Muqtaar roobow uusan u tartami karin Madaxweynaha Koonfur Galbeed walow Muqtaar roobow uu ka dhega adeegay Go’aanka Wasaaradda Amniga.

Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa horey uga soo baxay Uruurka Al-Shababa, wuxuuna heshiis la galay Dowladda Federaalka Soomaliya, wuxuuna ololahaan waday waqti badan iyadoo aan la ogeyn sababta keentay inay hadda Dowladda soo saarto culeys.

Warar hoose oo la helay ayaa muujinayo inay Dowladda Soomaaliya cadaadis kala kulmeyso Beesha Caalamka inkastoo warkaas uusan aheyn mid la hubo 100%.