Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Mawjadihi Dhiiga Suxufi Khashoogi Oo Dunida Camiray .. Amiir Maxamed Bin Salmaan Oo Dhiiga Qubanaaya Iyo Qoor-gooyada Joogtada Ah Qodob U Yaal Ka Dhigtay

Tuesday - October 9, 2018

Masuulinta dalka Turkiga Ayaa Laga Soo Xigtay Iney Aaminsanyihiin In La Dilay Suxufiga Jamal Khashoogi oo u dhashay dalka Sacuudiga oo la waayey muddo afar maalmood ka har kadib marki u galay Qunsuliyada dalka Sacuudiga ee magaalada Istanbuul, halkaasi uu tagay si uu uga soo qaato dokomenti ku saabsan Guur uu qorsheynaayey inu galo.

Warar hoose xagasha ka daacay oo laga helay ilo la tilmaamay iney si gaara wax ogaan karaan ayaa tilmaamay in Suxufiga marku qunsuliyada soo galay, isla markiiba la fariisiyey Qol gaara koob Shaahana lagu martiqaaday, halkaaso marku fadhiyey ila 10 daqiiqo, ay qolkii ugu soo galeen koox horor-nimo u tababaran ka kooban 5 qof iyo nin lagu sheegay Shiikh Sacuudi ah, Shiikhaas oo loogu tala galay inu dilkiisa ku iftoodo, ayaa su'aalo weydiiyey Suxufi Khashoogi, dabadeed jawaabo marku bixiyey oo u yiri; Ma Mucaarad Baan Ahay Hadaan Xaqa Ku Maansoodo, Kadib Shiikh Ku sheegi oo is careysiinaaya ayaa goobti kaga iftooday inu yahay Kaafir Murtid ah, oo ay xaq tahay in la dilo, dabadeedna kooxdi inta ay ku boodeen isla markiiba Tigtigeen, gawda ka saareen ayey qoortiisa iyo jirkiisa si il biriqsi ah ku kala siibeen, kadibna qalab gaara ay wateen ayey Hilibkiisi waslad-waslad u goo-gooyeen,

Waxaana warku intaa ku daraya in hilbaha Suxufigaas ay ku qariyeen jawaanada booshka la yiraahdo aan la baarin ee sida gaarka u isticmaalaan diplomaasiyiinta shisheeye, lama garanaayo hilibkaas halka ay ku Aaseen dibad iyo gudaba, walow ila shalay u soo booday war sheegaaya in lafahiisa lagu duugay qabuuraha Abudabi

Dhinaca kale wararka oo siyaabo kala duwan lagu helaayo ayaa tilmaamaya in Madaxweyne Ordogaan oo jiifki qaban waayey, ayaa sheegay in sirdoonka iyo boliska Turkig ay raadad muhim ah ku daba joogaan oo la filaayo iney ku gaaraan xaqiiqada dilka khaashoogi.
Dawlada Sacuudiga ayaa Eedeyntaas ku Tilmaantahay been la abuuray iyo wax kama jiran