Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Ordogaan Oo Ku Tala Jira Inu Ceebta Maxamed Bin Salmaan Dunida Ku Washariyo .. Turkiga Oo Helay Codadka Ragi Dilay Jamaal Khashoogi Iyo Xogo Kale

Tuesday - October 16, 2018



Turkiga oo helay Codad 11 Daqiiqo Soconaya oo ku saabsan Dilkii Jamal Khashoggi,Sida dilku ku bilaabmay,inta daqiiqo ee lagu dilay,Codadka Ragga dilay & Xoggo kale oo xasaasiya
 
 Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa sheegay inay hayaan cod ka kooban 11 daqiiqo oo muujinaya in suxufiga la la’yahay ee Sacuudiag Jamal Khashoggi lagu dhex dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul.

Sarkaal la hadlay taleefishinka Al-Jazeera oo magaciisa qariyey ayaa sheegay in codka ay hayaan aan laga dhex-helin saacadda Apple Watch, sida suuqa ku jirta, balse si kale uu ku soo gaaray.

Dhinaca kale sarkaal kale oo Turkish ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters in caddeymaha ay hayaan ee dilka Khashoggi ay la wadaageen dalal ay ka mid yihiin Mareykanka iyo Sacuudiga.

Taxliilin coded oo ay sameeyeen booliska dalka Turkiga ayaa waxaa lagu ogaaday in dadka ka dhex-hadlaya codka ay ku jiraan saddex nin oo la rumeysan yahay inay yihiin Sacuudiyiin iyo codka suxufi Jamal Khashoggi oo la dilayo.

Waxaa sidoo kale codka laga maqlay in Jamal Khashoggi weerar horey looga billaaabay isla markii uu galay qunsuliyadda, islamarkaana nafta looga qaaday muddo 4 daqiiqo gudahood ah.

Shaqaalaha qunsuliyadda ka shaqeynayey ayaa maalintii la dilayey Jamal Khashoggi waxaa shaqada laga fasaxay 11:30 AM, halka Jamal uu ballansanaa inuu yimaado 1:00 PM.

Waxaa la rumeysan yahay in markii la dilay kadib, Khashoggi meydkiisa cad cad loo jarjaray kadibna qunsuliyadda laga bixiyey.

Safaaradda Sacuudiga ee Ankara oo wax laga weydiiyey arrintan way diiday inay ka jawaabto.