Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Sacuudiga Oo Sheegay In Jamal Khashoogi U Ku Dhintay Sabab Iska Horimaad Oo Gam Iyo Gaw La Iska Dhigay .. Caalamka Oo Beenta Sacuudiga Sanka Ka Qabsaday

Saturday - October 20, 2018


Dowladda Sacuudiga ayaa markii u horeysay xaqiijisay geerida Wariyihii la la’aa Jamaal Kashoggi, kaasoo la baadi-goobayay nolol iyo geeri tan iyo markii 2-dii bishan October uu galay dhismaha Qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

Wakaalada wararka ee Sacuudiga ayaa shaaca ka qaadya in Jamaal Kashoggi uu u geeriyooday dagaal ka dhacay gudaha Qunsuliyadda, waxaa la sheegay inay dagaalameen isaga iyo dad joogay gudaha Qunsuliyadda.

Xukuumadda Sacuudiga ayaa sheegtay inay shaqada ka eriday Taliye ku-xigeenka Sirdoonka Axmed Al-Assiri iyo La Taliyaha gaarka ee Dhaxalsugaha Boqortooyada Sacuudiga.
Waxaa kaloo xilalkii laga eryay saraakiil dhowr ah oo ka tirsan sirdoonka Sacuudiga, kuwaasoo qeyb ka ahaa kooxda ka qeyb qaadatay dilka Saxafiga ee tagtay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, waxaana ka mida 3 sarkaal oo sare, sido kale Sacuudiga ayaa sheegay in illaa 18 qof loo xiray arrintan, isla markaana uu socdo baaritaano dheeraad ah

Qirashada Sacuudiga oo ay ku sheegeen in khaashoogi ku dhintay sabab la xariirta iska horimaad feer dhex maray koox markaas ku sugneyd qunsuliyada Sacuudiga iyo Mr. khashoogi ay keentay xaalada dhimashada .. warkaana wuxuu soo afjaraya todobaadyo socday howlgalo lagu baadigoobayay, iyadoo horay Warbaahinta Turkiga ay u shaaciyeen in Mr Kashoggi lagu dhex dilay Qunsuliyadda, 
Laakiin warkaas ay bixisay dawlada Sacuudiga ayaa illa hadda ka gadmi la' dunida inteeda kale inkasto madaxweyne Trump u ku andacoonayo in sheekada Sacuudiga ay tahay mid la rumeysan-karo.