Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Itoobiya Oo Markii Ugu Horeysay Madaxweyne Dumar Ah Yeelatay

Thursday - October 25, 2018

Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa markii ugu horeysay Haweenay u doortay in ay noqoto madaxweynaha dalka Itoobiya, xildhibaannada labada gole ee dalka Itoobiya oo kali fadhi yeeshay ayaa doortay Sahle-work Zewdie oo si weyn looga yaqaano Itoobiya.

Arritan ayaa timid ka dib markii ay isla xildhibaannadu codsigii is casilaadda ka aqbaleen madaxweynihii hore ee dalka Itoobiya Mulatu Teshome.

Dowladda Itoobiya ayaa isbadallo waawayn oo siyaasadeed samaynaysay bilihii u dambeeyay tan iyo intii uu xilka la wareegay ra’iisulwasaaraha cusub ee dalkaas Abiy Axmed.

Abiy ayaa horumar wayn ka sameeyay dhanka ka qaybgalka dumarka, sido kale Isla bishaan ayuu isbadal wayn ku sameeyay golahiisa wasiirrada 50% ayuuna dumar ka dhigay.

Sahle-work Zewdu, oo safaarado dhowr ah kasoo noqotay Danjire ayaa Markii u horaysay waxaa Safiir loogu magacabay Dakar Senegal waxayna kasoo shaqeysay mudadii udhaxeysay 1989-1993, iyadoo Wakiil u ahayd Mali, Cape verd,Guinea-Bissau,Gambia iyo Guinea.

Sahlework Zewde waxay ka soojeeda qowmiyada Amxarada Dorashada jagooyinka Itoobiya ugu sareeya oo lagu qaybsado Qowmiyado Ahaan ayaa waxaa hada markii koobaad mudo 27sano ah madaxwayne noqday qof kasoo jeeda Qowmiyada Amxarada oo Ururka TPLF Cadaadis xoogan kuhayay kana ilaalin jiray inay meel sare qabtaan.

Waxaana muuqata in Qowmiyada Tigrayga oo kamid Ah Ururka EPRDF meel Cidla ah ladhigay kadib markii Jagooyinkii ugu waawaynaa laga qadiyay lagana dhigay sida Qoomiyadihii horay loobahdili jiray ee Soomalidu kamidka ahayd.

Sahlework Zewde ayaa noqon haysa Haweenaydii ugu horaysay ee Itoobiya Madaxwayne kanoqota.

Jagada madaxwaynaha Itoobiya ayaa ah jago aan awood lahayn oo iska magac uyaal ah hadana waxay kamid tahay lixda jago ee Itoobiya ugu saraysa.

Waxay ku dhalatay kuna bar-baartay Caasimada dalka Ee Addis-Ababa,Sahle-work Zewdu waxay waxbarashada dugsiga dhexe iyo sare ku dhamaysatay Lycee G/Mariam.

Dhinaca kale, Is casilaada Madaxweynaha Ethiopia Mulatu Teshome ayaa la sheegay inay tahay mid salka ku heysa dhaliilo iyo diidmo uu ka muujiyay Haweenka xilalka haya ee kusii badanaya Xukuumada Ethiopia.