Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Jamaamiirta Qoyska Reer Al-Sacuud Oo U Soo Bandhigay Maxamed Bin Salmaan Inu Xilka Dhaafo Iyo Jawaabtiisi: Taa Waa Cirko Iyo Dhulka Oo Isku Soo Dhawaaday

Saturday - November 3, 2018

War laga soo xigtay Qof ka tirsan qoyska Reer Al Sacuud Oo Magaciisa Runta ah qariya hasa-ahaate isku magacaaba Al-Mujtahid oo sida qaalib ah lagu tilmaamo inu yahay qof ka tirsan qoyska Reer al-Sacuud ayaa markaan Twitter-kiisa ku soo daabacay in Todobaadkaan ay Amiiro ka mida jamaamiirta qoyska reer Al-Sacuud ay wada qaateen shir maalmo soconaayey oo ujeedadiisu ahayd iney ka faqaan sidi samata-bixin loogu heli lahaa sharaf-beelka haybadi magaci Reer Al-Sucuud oo masaxmay iyo gaar ahaan iney ka arinsadaan qar iska xoorista iyo meel isku qaadka Maxamed Bin Salmaan ee iskaba-daa maamul boqortooyo u badbaadiye, balse nafttisa u tureyn oo ehelka jiiraaya, oo hawshisiba noqotay dirir iyo waa heli kara duulaan dalal islaameed, isla markaana noqday Amiir ibleysku turubka u qaaday.
 
Al-Mujtahid ayaa warkiisa Twitterka intaa raaciyey in shirka u gudoominaayey Amiir Axmed Bin Cabdil- Casiis oo ay walaalo yihiin boqorka dalka Boqor Salmaan Bin Cabdil-Casiis, doodo ka dib waxaa shirkaas lagu go'aamiey in Ina Salmaan loo yeero lana hordhigo qodobo la isku afgartay.

Qodobada gogol xaar ee la hordhigay Amiir Maxamed waxaa ka mid ahaa in u xilka dhaxalka isaga Tago, iyadoo loo ballan-qaaday in wax dambi ah oo loo raacanaayo aysan jiri-doonin, isla markaana loo jaangooyn-doono xil shafshafo muhim ah oo u dalka ka qabto, waxaana intaa loo raaciyey in haddi u soo jeedintaas diido xoog looga faramaroojin-doono awooda iyo gardaduubka u dalka ku haysto  

Amiir Maxamed Bin Salmaan Oo ishiisa markaa ahayd olol naareed dibinta ruugaaya ayaa Shirkaa ka jawaab celiyey wuxuna yiri: Amirayaal, Aniga waxaan idin ka filaayey sida aan maanta u taag xumahay in aad ii hiilisaan oo aan la iiga tagin hawsha dhanaanaatay, hasa-ahaate warka aad ii soo bandhigteen ma aha mid macquul ah oo inaan idin ka yeelo waa cirka iyo dhulka oo isku soo dhawaada, waxaana ii muqata in warkiina u la xariiro Qandaraas iyo dalaalnimo kala timaadeen madaxda Yurubta qaarkeed, balse taa badalkeed waxaan diyaar u ahay inaan ka baxo dagaalka Yaman isla markaana aan la heshiyo dawlada Qadar, iyo wixi maxaabis siyaasad u xiran aan ooda ka qaado, waxuu kalo carrabka ku dhuftay inu diyaar u yahay in dawlada Turkiga u siin-doono sooryo milge leh iyo wax allaale waxa ay dooneyso si ay axwaasha khaashoogi intaa noga ekeysiiso.

Wariye Al-Mujthid Oo warkiisa soo koobay ayaa tilmaamay in dhiiranaanta Amiir Axmed Bin Cabdicasiis iyo bareeka u kaga hortagay ina Salmaan ay la xariirto safarkiisi u dhawaan kaga soo laabtay Yurub iyo kalsooni buuxda oo u ka haysta madaxda Yurub Qaarkeed.