Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Halaagi Shirqool Ee Lagu Wanjali-Lahaa Abyi Ahmed Iyo Cidi Ka Dambeysay Oo la Ogaaday

Tuesday - November 13, 2018



Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda Ethiopia ayaa maanta ku dhawaaqay in xubno sar sare oo ka tirsan laamaha amaanka ay amreen weerar ka dhan ah Ra’iisul wasaaraha dalkaasi, isaga oo sheegay inay xabsiga dhigeen saraakiishaasi islamarkaana baaritaan lagu sameyn doono.

Xeer ilaaliyaha Ethiopia Berhano Tsegaye, ayaa sheegay in cadeymo la helay ay muujinayaan in Saraakiil sare oo ka tirsan Hay’adda amaanka Qaranka ay ku wargeliyeen xubno ku qabiil ah Ra’iisul wasaare Abiy Axmed kana soo jeeda Oromada inay qorsheeyeen inay weeraraan Ra’iisul wasaaraha Bishii June ee sanadkaan.

Xeer Ilaaliyaha ayaa intaasi ku daray in lasoo saaray amar lagu xirayo 36 sarkaal oo ka mid ah laamaha amaanka oo lagu eedeeyay inay ku xad gudbeen maxaabiis, iyadoo in ka badan 30 oo ka tirsan Meletariga la sheegay in lagu hayo dambi ah maamul xumo.

Bishii June Bam-Gacmeed oo la tuuray ayaa labo ruux ku dilay magaalada Addis Ababa, wax yar kadib markii Abiy Axmed uu ka tagay goob uu khudbad ka jeedinayay, waxaana la sheegay in Shan Ruux bishii September loo xiray.

“Cadeymaha aan soo ururinayay waxay muujinayaan in saraakiil sare oo ka tirsan Hay’adda amaanka Qaranka, ay jiheynayeen Oromada inay weerarka fuliyaan, maxaa yeelay waxay ka damacsanaayeen in Ra’iisul Wasaaraha oo Oromo ah Oromo ayaa dishay”ayuu yiri Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Ethiopia.

Xeer ilaaliyaha ma uusan shaacin magacyada saraakiisha, sidoo kale si cad looma xaqiijin tirada dadka loo xiray kiiskaan, laakiin wuxuu sheegay in dad kale oo arintan ku lug leh inay isaga carareen Ethiopia, halka kuwo kalana ay is qarinayaan.