Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Rabow Khashogi iilka Ku Dhawr .. Haweyney Masaari Ah Sinta Bidix Ka Laafyooneysa Oo Sheegatay In Marxuumki Jamal Khashoogi U Qabay

Sunday - November 18, 2018


Haweeney u dhalatay dalka Masar oo wareysi siisay Wargeyska The Washington Post ayaa sheegtay inuu si qarsoodi ah u guursaday Saxafi Jamal, dhowr bilood ka hor inta aan la dilin.

Haweeneyda oo magaceeda ku soo koobtay H.Atr ayaa intaas ku dartay in munaasabadda Nikaaxa si qarsoodi ah loogu qabtay Washington, iyadoo aysan ka warqabin Xaaskiisa cusub ee Turkishka Khadiija Cengiz iyo xubnaha Qoyskiisa.

Wargeyska Washington ayaa soo daabacay caddaymaha Nikaaxa iyo Sawiro ay la gashay Jamaal Khashoggi xiligii ay is guursanayeen kuwaasoo haweeneydaas ay soo bandhigtay.

Hawyneydaan waxay codsatay in la siiyo xuquuqdeeda oo buuxda iyo in loo aqoonsado inay tahay Xaas uu ka geeriyooday saxafigaasi la dilay.

Dhinaca kale, mid ka mid ahaa saaxiibada ku dhow dhow Jamal Khashoqji oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa u sheegay Washington Post inuu goobjoog ka ahaa Munaasabaddii uu Jamaal Khashoqgi ku mehersaday Haweeneydan Masaarida ah.